Faallo:-Maxay noqon karaan Caqabadaha DFS soo food-saari kara sannadkan?

Khilaafkii DF  iyo MG ayaa weli taagan sannad kadib, iyadoo aysan jirin ifafaalo Siyaasadeed oo muujin kara inay labada dhinac heshiis gaari doonaan bilooyinka soo socda.

DF waxa uu khilaafkaasi ku noqday Caqabadda ugu tunka weyn ee haysta, inkastoo ay Madaxda DF weli yididiilo ka qabaan in wax iska bedeli karaan Hoggaanka haatan ee Maamul-gobaleedyadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay DF dadaal xooggan ku bixisay inuu daaqadda ka baxo Madaxweynihii K/G, Shariif Xasan Sheekh Aadan, weyna ku caano-maashay in la doorto Madaxweyne Cusub oo jaal dhow la ah DF.

Waa hubaal inay DFS Nefis-siyaaasadeed heli karto haddii  Doorashadda Madaxtinimadda ee berrito ka dhici doonta Puntland lagu soo doorto Madaxweyne Cusub, laakiinse, waxay DF xaajaddu la liici kartaa haddii dib loo soo doorto Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagu u muuqda Siyaasi aad u mucaaradsan DF, isagoo iska ooday dhamaan dulduleeladda u uu arkayey inay Madaxda DF uga soo dusi karaan, sidii ku dhacday Jaalkiisa Shariif Xasan.

Waa arrin Kheyrul-caadi inay DF  ku guuleysato in Madax cusub la wareegaan Talada Maamul-gobaleedyadda mucaaradsan, waxayna Khubaradu rumeysan yihiin in Khilaafka DF iyo QM uu oof-wareen ku noqon karo Geeddiga Is-fahamka ee DF iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda.

Go’aankii ay DF bishan 2-dii ku cayrisay Ergaygii Khaaska ee QM ugu qaabilsanaa Somalia, Nicholas Haysom ayaa u muuqda arrin bedeli karta Jihadda Siyaasadda iyo Arrimaha Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM uga qoomameeyeen Go’aankaasi inuu saamayn yeelan karo, waxayna QM durbadiiba sheegtay inay yareyn doonaan Shaqaalaha ka jooga Somalia.

Qoraal QM u dirtay Shaqaalaheeda Xafiiska Somalia waxay ku wargelisay in la dhimayo Joogitaankooda oo sabab looga dhigay duqeyntii bishan 1-dii lala beegsaday Dhismaha QM ee Xeradda Xalane, laguna dhaawacay 3 qof oo ka tirsan shaqaalaha QM iyo kuwa Caalamiga.

Khilaafka QM iyo DF waxay dhalin karaan Su’aalo badan, iyadoo la og yahay inay QM tahay Maalgeliyaha ugu weyn ee DFS iyo Hawlgalka AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Caqabadaha DF sannadkan soo food saari kara waxaa ka mid ah xalinta Khilaafka Diplomaasiyadeed ee QM, Khilaafka DF kala dhexeeya MG, Mucaaradka Siyaasadeed ee Hubeysan iyo Hawlgalladda kale ee kaabi kara inay DF  ka gudubto Caqabadahaasi iyo inay u sii  gogol-xaarto Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota ee 2021-ka,

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media