Ciiddanka Yuhuudda waxay shalay toogasho ku dileen 3 Falastiiniyiin ah, halka ay in ka badan 950 ku dhawaaceen Dibadbaxaasi oo Jimco kasta si joogto ah uga dhacay dhulalka ay Yuhuudda boobka ku haysato.
Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaana ka qeyb galay Dibadbaxaasi lagu doonayo inay Reer Falastiiniyiin dib ugu laabtaan dhulkii horey looga soo barakiciyey sannadkii 1948-kii.
Dibadbaxyadda Reer Falastiin oo shalay galay Jimcihii 5-aad waxaa wadarta dadka lagu dilay gaartay 45 qof, halka in ka badan 6,000 lagu dhaawacay, tan iyo markii ay Dibadbaxyadda bilowdeen 30-kii bishii Maarso ee sannadkan.