Dad ku dhawaacmay Hawlgal ay Askarta Yuhuudda ka fuliyeen Xero Qaxooti oo ku taalla dhulka Falastiin.
13 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay Hawlgalkaasi, kadib, markii Askarta Yuhuudda xoog ku soo galeen Xeradda Qaxootiga ee Amaari oo ku taalla magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed ee Falastiin.
Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Yuhuudda u adeegsadeen rasaas nool iyo suntan dadka ka ilmeysiisa, ka hor intaysan qabanin dhallinyaro ay baadi-goobayeen.
Hawlgalkaasi ayaa yimid maalmo kadib, markii Askari Yuhuudi ah lagu dilay Hawlgal ay ka wadeen Xeradaasi.