HomeWararFALANQEYN: Maxaa Ku xeeran, Olalaha Doorashada ‘Madaxweynaha KGS?

FALANQEYN: Maxaa Ku xeeran, Olalaha Doorashada ‘Madaxweynaha KGS?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

17-November 2014-kii,  396-(Saddex boqo,l lixdan iyo sagaal)-Ergo ayaa codkooda dhiibtay si ay u doortaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u Shararaxnaa Xilka Madaxweynaha Sedex Gobolka ayaa xiligaa helay 373-Cod.

Federaaleynta dalka oo curdin ahayd iyo Aragtida Sedexda Gobol oo mucaarado xoogan wajaheysay ayaa loo sababeyay in ergo la soo xulay ay doortaan Madaxweynaha K/Galbeed.

Waxa uu ugu horreeyay ee loo baahnaa ayaa ahaa dib-u-heshiisiin, dhameystirka maamulka-oo loo sameeyo baarlamaan iyo gole-fulineed-iyo Amniga oo astaan ay u ahayd caasimadda oo uusan maamulka tegi Karin.

Afar sano kadib iyo KGS:

Afar Sano oo uu xilka hayay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Koonfur Galbeed waxa ay ka mid noqotay Maamul Goboleedyada Dalka kajira,haba taag darnaado maamulka’e waxaa dhismay Baarlamaan  ka kooban 149 Xildhibaan, Golihii Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee Maamulkan, waloow howshii looga baahnaa aysan qabsoomin afartii sano ee ku jaango’nayd Muddo-xileedka Madaxweyne Shariif Xasan.

Dadka qaarse waa hubaal inay la dhacsan yihiin hannaanka maamulka hadda, oo aan xiriir la lahayn dowladda dhexe. Si kastase wali dadweynaha codkooda ma dhiibanayaan sabab guud awgeed taasoo ah duruufaha Amniga iyo wadiiqooyinkii wadan lagu gaari lahaa oo aan la soo diyaarin.

Maxaa ka socda Baydhaba?

Markii Ugu horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa 17-Bishan November dooran doono Hogaamiyaha Cusub ee K/Galbeed, in kabadan 10 Musharax ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay inay u taagan yihiin xilka ugu sarreeya dowlad-goboleedka.

Afarta Murshax ee ugu hadalheynta badan ayaa kala ah:-

Shariif Xasan Aadan- Madaxweynaha Waqtiga kasii dhamaanayo.

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur- Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-shabab.

C/casiis Lafta Gareen- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Federalka.

Xuseen Cismaan Cismaan- Taliyihii NISA.

Loolanka Doorashada Koonfur Galbeed waa mid adag,marka aad si hoose u eegtidna waxaa muuqanaya in tartanka doorashada uu u dhaxeeyo labo garab.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu iska caabiyo Musharixiin la rumeysan yahay in ay baritaareyso ama ay garab taagan tahay Xukuumada Kheyre ayaa xulafo siyaasadeed la noqday Musharixiin saameyn weyn ku leh Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa isbaheysi la ah Musharixiin ay kamid yihiin:

Mukhtaar Rooboow, Ibraahim Fargeeti, Aadan Saransoor  Ibraahim Macalin Nuur iyo kuwo kale.

Musharixiinta la aaminsan yahay in ay yihiin garabka gacanta ka helaya Muqdisho:

C/casiis lafta gareen. 

Xuseen Cismaan Xuseen.

Aamina Mursal. 

Hadalheynta shacabka baydhabo ayaa ah in Musharixiintan ay olole adag oo ay lacag culusna wehliso la soo galeen magaalada. Dhaqdhaqaadyada doorashadana wax weyn ayey ka badaleen inkastoo siyaasada Somali lacag qaadashadu ay dhaqan u tahay, hadane rajada Musharixiinta waa boqolkiiba konton iyaga oo cash isticmaalaya ayeysan kalsoonida xildhibaanka lagu qabi karo ahayn mid weyn.

kulamo gaar gaar ah ayey la qaateen xildhibaannada, kulankiina lacag badan ayaa lagu bixinayay taasoo ahayd ‘Billow iyo Isbarasho’.

Isku-dayga Xukuumada lagu eedeenayo ee faragalinta doorashada hadii ay sax tahay waxaa loo badaniyaa in musharixiinta taageerada Muqdisho  heysto ay guuleystaan.

Mukhtaar Rooboow:

Marka aad baydhabo joogto Mukhtaar Rooboow ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqanaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada. Taageerada Roobow ayaa kaliya lagu mataali karaa mid uu 2009 heystay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ahayd.

Mukhtaar oo ay dowladda dhexe mar shaki gelisay sugnaanta murashaxnimadiisa ayaa haddii uu guuleysto la rumeysan yahay inuu wax badan ka qaban doono dhinaca Amniga, wallow uusan waaya-aragnimo siyaasadeed uusan lahayn.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo:

Shariif Xasan Sheekh aadan Hogaamiye mudo siyaasada Somalida ku soo jiray waliba nasiib u hela guusha, iminka waxa uu wajahayaa loollan loo arki karo kii ugu adkaa ee uu abid galo, balse odayaasha iyo xildhibaanada ayaa la aamini karaa in ay jaal la yihiin taas oo iyada keeni karta in mar kale kalsoonida uu helo.

Cabdi-casiis Lafta gareen :

Oo sannadkan uun ku guuldarreystay kursiga guddoomiyaha golaha shacabka ayaa olelihiisa diiradda ku saaray inuu soo jiito dhallinyarada.

Waxaana baraha bulshada lagu arkayay dhallinyaro aad ula dhacsan murashaxan, waxa uu yahay hoggaamiye haddii uu guleysto la aaminsan yahay inuu bah la noqonayo dowladda dhexe.

Xuseen Cismaan:

Taliyihii hore ee NISA-Hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka Qaranka-oo dhawaantan xil culus uga tegay hanashada jagada madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isbedel la yimaado.

Aamina Mursal:

Murashaxa kaliya ee dumarka ah ayaan loo badineyn inay wareegyada dambe soo gaarto, haddiiba ay tartanto, sida laga bartay saaxada siyaasadda Soomaliya oo aysan haweenku xattaa waligood u tartamin xil madaxweyne.

Waxa ayse astaan u tahay sida dumarka ugu diyaar garoobeen hoggaaminta wadanka.

 

Si kastaba ha ahaatee,  Murashaxa ku guuleysta ayaa wajahaya Caqabado dhowr, waxaana kow ka ah Amni-darrada oo astaan u noqon karta halka maamulkiisa uu ku sii shaqeeyo maadaama magaalo-madaxda oo ah Baraawe uusan wali gaarin oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Baydhaba. Dhisidda kalsoonida shacabka, daadajinta maamulka dowliga ah, hagaajinta adeegyada guud iyo wax-ka-bedelidda xiriirka xun ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ayaa ah guulaha loo baahan yahay.

W/Q:Saleymaan Raage

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories