Afarta Murashax Madaxweyne ee ku soo baxay Wareegga 2-aad ee Doorashadda Madaxweynaha ayaa ah kuwii la saadaliyey inay si fudud uga soo gudbi doonaan Wareegga 1-aad ee Doorashadaasi.
Afarta Murashax ee soo baxday ee kala ah: Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuusan jirin Murashax u t anaasuli doona Murashaxa kale ee ay Jaalka yihiin.
Xasaasiyad ayaana ka dhex aloosan Murashixiinta oo iyagu afartii sanno ee la soo dhaafay miisaan culus ku lahaa Hoggaaminta dalka.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo iyagu xilal Madaxweyne soo qabtay ayaa waxay ku kala irdhoobeen Siyaasadda, mana muuqato Qorshe ay isugu tanaasuli karaan.
Sidoo kale, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Cumar C/rashiid ayaa Xilal Ra’isul-wasaare soo qabtay , mana jiro wax xiriir Siyaasadeed ee ay leeyihiin iyo Saansaan ay isugu tanaasuli doonaan.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Murashixiin miisaan culus leh isugu soo hareen, kuwaasi oo ku khasban inay taageero ka helaan Murashxiinta ku haray Wareegga 1-aad, gaar ahaan Murashixiinta C/qaadir Cosoble, Caddow Cali Gees iyo kuwa kale ee dhiubcaha hoose keenay.
Murashixiinta Sheekh Shariif iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo noqday Madaxda Dowladdii KMG ee ugu dambaysay, inkastoo markii dambe uu Khilaaf culus soo kala dhex galay, iyadoo Dowladda Uganda iska xil saartay dhexdhexaadintooda.
Labada Murashax ayaa dhawaan isku af-gartay inay Isbahaysi KMG ka yeeshaan Doorashadda, si ay u noqdaan Isbahaysi la hardami kara Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ay sida gaarka u xifiltamaan.
Heshiiskooda ayaa dhigayey inay dadaal u galaan inuu Shariif Sheekh ku soo baxo ilka Madaxweynaha, kadibn a uu Ra’isul-wasaare u doorto Farmaajo.
Isbahaysiga Shariifka iyo Farmaajo ayaana haatan u muuqan kara mid dhicis noqday, iyadoo Shariifku dareensan yahay inay wax qaldameen, lana yaabay Codadka uu helay Farmaajo.
Saluugga Shariifka ayaana soo baxay, kadib, markii Xildhibaano badan oo ay Ala-sheekh isla yihiin dhabarka u jeediyeen, kuna biireen Xildhibaanadda codadka siiyey Farmaajo.
Xaalladaasi taagan darted ma muuqan karto inuu Shariifka u tanaasulo Farmaajo ama isaga loo tanaasulo, waxaana Labadooda Furan inay sii wadaan Loolanka Doorashaddaasi.
Murashax Shariif ayaana bilaabay inuu Shaxda Ciyaarta bedelo, waxaana damac uga jira Codadka inta badan Murashixiinta ku haray Wareegga 1-aad ee Doorashadda.
Haddii uu Shariifku xiriirka u gaabisay Farmaajo, waxaa dhici karta inuu Farmaajo gaabsi dareemo, waayo Xildhibaanadda ka soo jeeda Puntland waxaa ku xisaabtamayo Cumar C/rashiid.
Marka ma muuqato Gurmad uu ka heli karo Xildhibaanadda Jubbaland ee uu Deegaan ahaan ka soo jeedo.
Taasi ayaana keeni karta inay Farmaajo xaajadda ku cuslaato.
Sidoo kale, Murashixinta Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo iyagu xilal Madaxweyne iyo Ra’isul-wasaare soo qabtay, islana soo shaqeeyey ayaa waxaa mid kasta ku adag inuu kan kale u tanaasulo.
Xasan Sheekh oo galaangal badan sameeyey waxa uu shalay Bandhig Siyaasadeed ku soo bandhigeen Xildhibaanadda uu Taageeradda ka haysto, wuxuuna u muuqday Murashaxa ay tirada ugu badan ee Xildhibaanadda la safan.
Laakiin, Natiijadda uu ka helay Wareegga 1-aad ayaa loo arkaa inay Xildhibaano badan dhabarka u jeediyeen. Illayn Siyaasadda ma laha Saaxiib Joogto ah.
Murashaxu waxa uu yahay Siyaasi Aragti dheer, wuxuuna maalgashaday Xildhibaano badan oo uu taageeray markii ay u tartamayeen Xildhibanimadda Labada Aqalka ee Barlamaanka.
Waxaa kale oo uu taageero ka haystaa Xildhibaano horey Wasiiro iyo Saraakiil Ciiddan oo sheegay inay isaga garab taagan yihiin.
Haatan, Xasan Sheekh waxaa u furan inuu Laba-daraale mid qaato, inuu Laba-kaclayn Xodxodasho galo si uu codadka ugu badan Xildhibaanadda u helo iyo inuu ku adkeysto Tanaasul La’aanta.
Qaar ka mid ah Beesha Caalamka iyo Dowladaha deriska ayaana horey u muujiyey sida ay ugu niyadsan yihiin in Xasan Sheekh mar kale la soo doorto.
Waxaa kale oo uu taageero ka haysta inta badan Madaxda Maamul-gobaleedyadda, kuwaasi oo haddii aysam hakranin uu hanan karo Aqlabiyadda 328-ka Xildhibaan ee codeynaysa.
Cumar C/rashiid oo 2-jeer soo noqday Ra’isul-wasaare ayaa waxa uu xoog iyo xeellad isugu geeyey inuu Doorashaddan ku guuleysto, si ay Taariikh diiwaan-gashan ugu noqoto Qoyskiisa.
Allaha U Naxariisto Aabihiis, C/rashiid Cali Sharm’arke waxa uu ahaa Madaxweynihii 2-aad ee dalka (sannadihii 1967-kii ilaa 1969-kii) wuxuuna ahaa Siyaasi halganka ka soo bilaabay Xilka Ra’isul-wasaare, kadibna Madaxweyne soo noqday.
Haddaba, marka doc kasta laga qiimeeyo Murashixiinta isugu soo haray Wareegga 2-aad ee Doorashadda waxay u muuqdaan kuwo aan wax isku oggolayn ilaa lagu kala baxo Doorashadda.
©Radio Dalsan