• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 25, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Falaanqeyn: Dib-u-doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 15, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa maanta ku guuleystay Doorashadda Madaxtinimadda Maamulka Jubbaland, oo ay kula baratameen dhowr Musharax.

74 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaankii Jubbaland ee la kala diray ayaana ahaa Cod-bixiyayaasha Doorashadaasi oo ay ku loolameen Axmed Madoobe, Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus iyo Hilowle Aadan.

Cod-bixinta ayaa socotay xilli kooban, kadib, markii uu Hoggaamiyaha Jubbaland ku guuleystay 68 dhibcood, waxaana markii lagu dhawaaqay guushiisa Madasha Cod-bixinta ka bilowday dabaaldeg ballaaran, oo markii dambe is-qabsaday ilaa magaalladda Kismaayo.

Dabaaldegaasi ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Ciiddanka Maamulkaasi oo noocyadda rasaasta hawada sare u ridayey.

Farxadda iyo guusha Madaxweynenimo ee Axmed Madoobe ayaa waxaa durbadiiba lagala hor yimid mucaaradnimo, iyadoo ay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goballadda Jubbooyinka ku tilmaameen Doorasha la been abuuray.

Xildhibaanadda ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia ee ka soo jeeda Beelaha deggan Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay inaysan Doorashadaasi ku dhicin si Sharci ah oo waafaqsan  Dastuurka Qaranka iyo Nidaamka Federalka.

Dowladda Federalka Somalia ayaan weli ka hadlin Doorashadaasi, balse waxaa jira dhaliilo muujinayo inaan Doorashadda Jubbaland laga soo dhisin Aasaaska iyo Dib-u-heshisiinta Beelaha, waxaana ka maqan Maqaamkii Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo ee Dhismaha Maamul-gobaleedyadda.

Waa hubaal in Nidaamka Axmed Madoobe lagu doortay maanta ku heer ahayn Nidaamkii lagu doortay Madaxweyneyaasha K/Galbeed iyo Gal-mudug, oo iyagu Doorasho Adag u soo galay Tartanka Madaxtinimo.

Ma kala cadda sida ay Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka u qiimeyn doonaan Doorashadaasi, inkastoo ay suurtogal tahay inay Urur-gobaleedka, gaar ajaan dalalka deriska ee Kenya iyo Ethiopia u soo dhaweeyaan Doorashadaasi, iyagoo eeganayo Danaha Qarankooda.

Xeeldheerayaasha ayaa waxay su’aal ka keeneen Waxqabadkii Maamulkii Axmed Madoobe ee dhowrkii sanno ee uu gacanta ku haya Jubbooyinka iyagoo taageero ka helayo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waa hubaal inuu Maamulkiisa hannan kari la’ yahay Taageeradda Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo Ururradda Bulshadda ee inta badan Beelaha ku wada nool Jubbooyinka, kuwaasi oo iyagu saluugsan Nidaamka Hoggaamineed ee Maamulkaasi.

Saraakiisha madaxa bananan ayaa rumeysan inuu Axmed Madoobe culayska saaray dhinaca Ciiddanka, wuxuuna xushay inay Maleeshiyaddiisa Raas Kambooni noqdaan kuwa looga dambeeyo Talada Ciiddanka.

Sidoo kale, Maamulka Axmed Madoobe waxa uu si xirfad leh u hakiyey Hawlgalkoo Dagaalka ee uu hor boodi jirey markii uu ka tirsanaa Ururadda Alshabaab iyo Xisbul-islaam, waxayna Maamulkiisa ku mashquuleen inay Ciiddanka Kenya ku bahoobaan Qeybsiga Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Badeecadaha Kontorobaanka ee u kala gudba xuduudka Kenya iyo Somalia.

Waxay dadka Reer Kismaayo dhaban-hays ka qaadeen halka ay maraan Malaayiinta Dollar ee bil kasta ka soo xeroota Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo, waxaana hubaal inaysan jirin Adeegyo Bulsho oo lagu kharaj gareeyo Kharajkaasi.

Xaalladda Nolosha dadka ku nool Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay weli yihiin kuwo aad u liita, waxayna cabashadda ugu badan ka timaada dadka danyarta iyo Barakacayaasha ku sugan Xerooyinka ka oodan gudaha iyo duleedka Kismaayo.

Maamulka Axmed Madoobe waxaa kaloo lagu dhaliilaa inuusan hagaajinin Xiriirka uu la leeyahay Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedyadda, marka laga reebo Maamulka Puntland oo ay leeyihiin Isbahaysi dhow oo dhinacyadda Siyaasadda iyo Beelnimadda.

Safaradda joogtadda ee uu Madaxweyne Axmed Mdoobe ku tago dalka Ethiopia ayaa tuhun ballaaran abuuray, waxayna dadka naqdiya Axmed Madoobe sheegaan inuu kala garan la’ yahay  inuu Maamulkiisa hoos tago Dowladda Ethiopia ama Dowladda Federalka Somalia.

Waxaana su’aal adag noqon karta qaabka ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka uga degi karto inay Xildhibaanaddii Barlamaanka Jubbaland ee ay horey loo kala diray u noqdeen Cod-bixiyaal u dooran kara Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee afarta sanno ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, Doorashadda Axmed Madoobe ayaa lagu tilmaami karaa mid uu mugdi ku jiro Sharci ahaanshaha Maamulkiisa,  waxaana suurtogal ah inay mar kale abuurmaan Xiisado Siyaasadeed iyo Khilaafyo Beeleed  oo raad ku yeelan kara Maamulkiisa iyo Ammaanka Guud ee Jubbooyinka.

© Radio Dalsan

 

Previous Post

Haweneey Keenyaan u dhaxda Dagaalyahan Alshabaab oo qiratay inay Boliska tusisay Dukumentiyo la been abuuray

Next Post

Soomaalida ku nool dalka Namibia oo lagu hayo dabagal ku aadan inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Alqaacida

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Next Post

Soomaalida ku nool dalka Namibia oo lagu hayo dabagal ku aadan inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Alqaacida

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

by Liban
May 24, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia’s Minister of Defence, Ambassador Ahmed Moallim Fiqi, on Friday chaired the monthly meeting...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu...

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay kulammo gaar-gaar ah kula yeeshay...

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
English News

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties
English News

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody
English News

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
  • Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
  • Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
  • Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00