Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya oo Markii labaad kooram la’aan u baaqday

Fadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta baaqday kadib markii Kooramka uu so buuxsami waayay,oo Xildhibaanada qaar ay ka maqnaayeen fadhiga Maanta.

Baaqashada Fadhiga Xildhibaaanda ayaa noqonaya kii 2aad, maaddaama dhawaan sidaan oo akle uu Kooram la’aan u baaqday Fadhiga Xildhibaanada.

Arrinta keentay baaqshada ayaa warar hoose waxaa ay shegayaan in ay salka ku hayso Xildhibaaanda qaarkood oo mooshin ka wada Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shcabka Xildhibaanad Sacdiya,waxaana ay diidan yihiin sida la sheegay shir guddoominta fadhiga.

Xildhibaaanda qaarkod ayaa warbaahinta la ahdlayw axaana ay sheegeen in arrintaani ay tahay mid aad looga xumaado sidoo kalena cuuryaamin karta howlaha Baarlamanka iyo guud ahaanba nidaamka dowladnimada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor