Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimadda Somalia ayaa waxaa ku dhex jira kuwo sannooyin ay Qaxootinimo ku joogeen dalalka Reer Galbeedka u suurto-gashay inay helaan Aqoonsiga Dhalashadda iyo Muwaadinnimadda dalalka ay horey ugu hayaameen.
18-ka Musharax ee u taagan Xilkaasi waxay badankooda yihiin Muwaadiniin haysta 2 Dhalasho (Dual Citizenship), kuwaasi oo ay adag tahay si loogu aamino Masiirka Ummadeed ee dalkeenna, waayo waxay yihiin Muwaadin ku milmay Dhaqan iyo Maamul dalal shisheeye.
Inta badan Musharaxiinta ayaa haysta Dhalashadda Muwaadinimadda ee dalalka Mraaykanka iyo Kanada, waxayna door-bideen inay ku safraan ama jeebka ku wataan Baasabooradda dalalkaasi, iyagoo is-tuuray Baasaboorka asalka Soomaalinimadda.
Xeeldheerayaasha ayaa shaki badan gelinaya Xuquuqda dhabta ee Musharixiinta Labada Dhalasho wata, kuwaasi oo khatar badan u keeni kara Qaranka, haddii midkooda loo doorto Hoggaaminta dalkeenna.
Siyaasiga Labada Dhalasho wata ayaa la hubaa inuu u xaglinayo Dowladda uu Dhalashadda iyo Baasaboorkooda ku meel-marayo, wuxuuna baylah ka dhigayaa Danaha Guud ee Qaranka Somalia ee xilligan u baahan Dib-u-dhiska dacalladda badan.
Halkan ka dheeho Musharaxiinta Madaxtinimadda iyo Dhalashadda Labaad (Dual Citizenship) ee ay kala haystaan:
Magaca Musharaxa | Dhalashadda (Dual Citizenship) |
Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke | Somali-Canadian |
Cabdiweli Sheekh Axmed | Somali-Canadian |
C/raxmaan C/llaahi Baadiyow | Somali-Canadian |
Fatumo Qaasim Dayib | Somali-Finnish |
Canab Daahir | Somali-Maraykan |
C/naasir Maxamed | Somali-Maraykan |
Bashiir Nuur Bidaar Xasan Looyaan | Somali-Maraykan |
C/risaaq Cumar Maxamed | Somali-Maraykan |
Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” | Somali-Maraykan |
Maxamed Nuur Tarzan | Somali-British |
C/raxmaan Sheekh Faroole | Somali-Australian |
Saciid C/lalahi Dani | Somali-Danish |
Yaasiin Maaxi Maalin | Somali-Swedish |
C/raxmaan C/shakuur Warsame | Somali-British |
Jabril Ibraahim Cabdulle | Somali-Canadian |
Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda ee aan Dhalasho Ajnabi ku sidkanayn waxaa ka mid ah: Madaxweynaha uu xilli-hawleedkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed,.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Musharaxiinta halka Dhalasho haysto (Dhalashada Soomaalinimadda) mudan yihiin in iyaga loo codeeyo, maadaama ay yihiin Waddaniyiin Dal-joogayaal ah, kana war haya Nolosha Dhabta ee Dadka Soomaalida.
Dareenka kale ee Taagan waxa uu yahay Halbeegga Kalsoonida ee lagu qabi karo Musharixiinta Labada Dhalasho wata iyo sida ay u xafidi karaan Xogaha iyo Danaha Qaranka Soomaaliya, ugana shaqeyn karaan Horumarinta iyo Dib-u-dhiska dalka Hooyo.
Si kastaba ha ahaatee, Musharixiinta Laba Dhalasho leh ayaa laga wada dheregsan yahay inay Xaasaskooda iyo Carruurtooda ku nool yihiin Dibedaha, isla markaana ay ka go’an tahay haddii looga guuleysto Doorashadda inay dib ugu laabtaan dalalkii ay horey Qaxootinimada isaga dhiibeen, kana heeleen Dhalashadda iyo Deganaanshaha.
©Radio Dalsan