(FAALLO): Rajada Murashaxiinta Madaxweyne biyo-dhaceeda u ekaa Qalanjo Qeybsami weyday !!!

Saacado kooban ayaa ka harsan Xilliga Finalka  ee ay 22-ka Murashax Madaxweyne ku kala bixi lahaayeen Loolanka ay ugu jiraan Xilka Madaxtinimadda JFS.

Waa hubaal in Murashax kasta wixii tabar iyo taag uu lahaa isugu geeyey Ololihiisa Doorashadda, si uu uga guuleysto 21-ka Tartame kale ee ay isku gerbinayaan Xilka Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.

Jugdi badan iyo Samir Siyaasadeed ayeyna ku soo xilli-qaateen, waana macquul inay jiraan Murashixiin Tobanaan Kun oo Dollar ku bixiya Kharajka Hotelladda ay ku soo degeen.

 Doorashaddii Madaxtinimadda ee uu qorshuhu ahaa in lagu kala baxo dabayaaqadii sannadkii hore ayaa lagu hungoobay, waxaana la bixiyey fasiraad badan oo biyo dhaceedu ahaa in muddo kordhin furan loo sii idmado DFS oo uu xilli-hawleedka ka idlaaday bishii September ee sannadkii hore.

In ka badan 4 jeer ayaana dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Cusub, iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka ee isku arka Marjaca Talada dalka go’aamin jireen in DFS xilliga loo sii kordhiyo.

Waxaa meesha ka baxay Jadwalkii Hiigsigii  2016-kii iyo Xilliga Kala-guurka Siyaasadda, waxayna Madaxda DFS garowshiyo ka dhigteen inaysan oggolan karin Marnaansho ku timid Hoggaaminta Qaranka.

Marka dhinaca Dowladnimadda laga eego waxaa daw ah inay xilka si KMG u sii hayaan ilaa Hoggaanka cusub ee Dowladeed lagu soo dooranayo Doorashadda Dadban.

Siyaasiyiinta naqdiya Waxqabadka DFS waxay rumeysan yihiin inay Dowladda abuurtay Habacsanaanta ku yimid Hiigsiga Xilliga Kala-guurka Siyaasadda, iyadoo Sharci-dejiyayasha Qaranka ku fashilmeen dhamaystirka iyo Db-u-eegista KMG, ama xitaa ugu yaraan Qoddobadda aan kala caddayn ee had iyo jeer Xasaasiyadda Siyaasadda ka dhex abuura Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaarahiisa.

Ilaa haatan ma jiraan Qoddobo Dastuuri oo kala jiheyn kara Labada Mas’uul, waxaana la filan karaa Shilalka Siyaasadeed ee ay Madaxda cusub la kowsan doonaa, waxaana laga yaabaa inay Khilaafyada noocaasi ku kala irdhoobaan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Sharci-dejiyayaasha (Xildhibaanadda) fursad u haysteen inay dib-u-eegis iyo wax ku darid ku kordhiyaan Dastuurka Federalka, si looga gudbo Mashaqada Waaya-u-jooga noqotay ee Madaxweyne kasta iyo Ra’isul-wasaare walba ka dhex gaagaxda.

Waxayna u muuqataa in Qarda-jeex iyo Xaal-mastuur lagu sii xalin doono Khilaafka Madaxda cusub ee la soo dooranayo.

Mansabka Madaxweynaha ayaan weli kala caddayn Mas’uulka calfan doono, waxaana laga war dhowrayaa Doorashadda dhici doonta berrito oo ay bisha February tahay 8-da.

Indha-indheynta Doorashadaasi ayaana qiimeyn lagu hayaa iyo Halbeegga 23-ka Murashax Madaxweyne, iyadoo Hadal-haynta ugu mudan tahay Kulamada Murashixiinta kala Aragtida, Abuurista Isbahaysiyadda, Taageero-siinta Murashaxa ugu muuqda inuu u baahan yahay in lagu taageero si uu u hiigsado codadka ugu badan Doorashadda.

Murashixiinta Madaxweynaha waxay u muuqdaan kuwo itifaaq KMG dhex maray, kuna heshiiyey inay Koox ahaan isugu hiiliyaan Cod-bixinta, si ay ugu guuleystaan Xarig-jiidka Doorashadda.

Hoteelladda Muqdisho ayaana mashquulka Murashixiinta laga dareemayey afartii cisho ee ugu dambeysay, waxayna yeeshen Kulamo aan lagu kala kicin oo ay Koox kasta ku dejisay Qorshaha Doorashada iyo Codadka Xildhibaanadda ee ay filan karaan.

Waxaana laga yaabaa inay Murashixiin tanaasulaan ka hor Doorashadda iyo inta lagu guda-jiro Wareegyadda Isreebreebka ah.

Loolanka Murashixiinta ayaa waxa uu ku soo idlaan doonaa inuu Wareegga ugu dambeeyo ku soo baxo Murashaxa noqon doona Madaxweynaha JFS ee afarta sanno ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, Rajada Murashaxiinta Madaxweyne ayaa noqon doonta inuu midkooda haleelo  Jidka Guusha,halka kuwa kalena Dhabaha Guul-daradda, waxaana la dhihi karaa Doorashadda Madaxweynaha u ekaa Qalanjo Qeybsami weyday !!!

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media