• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, June 6, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO: Nidaamkee ugu wanaagsan Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 22, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Calaw-siyasaadeed, Ismaan-diid iyo Kala Aragti duwanaansho ayaa waxaa laga dareemayaa Guuxa Hoose ee Madaxda Maamul-gobaleedyadda ka keeneen Nidaamka Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu wado in la qabto Bartamaha Sannadka soo socda.

Himilo badan ayaan weli Tisqaadin si loo ambaqaado Taabagelinta Doorashadda sannadka soo socda, waxaana sidii baraf oo kale u shiiqay Siyaasiyiinta u hanqal-taagayey inay Xisbi-siyaasadeed ahaan uga qeyb galaan Doorashadda.

Siyaasiyiinta haatan rumeysan inay Xisbiyo-siyaasadeed dhisteen ayaa waxay u muuqdaan kuwo Riyo Khiyaali ah ku jira, waayo waxa haatan dhisan waa Ururro siyaasadeed oo  aan weli u xuub-siibanin Xisbiyo Siyaasadeed, isla markaana aan si sharci ah loo diiwaan-gelinin.

Shaxdii Nidaamka Doorashadda ee Xisbiyadda badan ayaa la qiyaasayaa inay Somalia ka qabsoomi karta sannadka 2020-ka iyo wixii ka dambeeya, waayo xaalladda xilligan ayaa lagu khasban yahay in Nidaam Xeer Jajab lagu heshiiyo si loo qabto Doorasho Qaran oo lagu soo dooranayo Madaxweyne, Guddoomiyaha  Barlamaanka cusub, Xildhibaanadda Barlamaanka iyo Hay’addaha kale ee lafdhabarka ah Dowlad Qaran.

Talo-ururinta Maamul-gobaleedyadda ku eegayaan Aragtiyaha Siyaasiyiinta iyo Qeybaha Bulshadda ku nool Goballadda dalka, ayaa waxaa ka soo baxayo Maxsuul u muuqda inaysan hal hilin ku wada soconin, waxaana Talooyinka guud la hor dhigi doonaa Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka oo dhici doona bisha December ee soo socota.

Madaxda Maamul-gobaleedyadda waxay Talo-ururinta ku dabaqayaan Hankooda Siyaasadeed iyo inay miisaan culus ku yeeshaan Dowladda beddeli doonta Dowladda Federalka ee uu xilligeedu dhacayo bisha August ee sannadka soo socda.

Inkastoo aan Talooyinka laga ururiyey qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda aan si rasmi ahaan loo shaacinin, ayaa waxaa haddana soo ifaya inay jiraan Isbaaro-siyaasadeed oo ay adkaan doonto qaabka looga gudbi karo, haddii uu Maamul-gobaleed kasta ku adkeysto Talo-ururinta uu soo sameeyey.

Siyaasiyiin aan xubno ka ahayn Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda ayaa durbadiiba bilaabay Qeylo-dhaan lagu doonayo in lagu fashiliyo Talooyinka la xiriira Qaabka ay noqon karto Nidaamka Doorashadda Madaxtinimadda iyo Qaabka lagu saleyn doono.

Isbaaradda Siyaasadeed ee ay maleegayaan Siyaasiyiinta lagu tilmaami karo Qas-wadayaal  ayaa waxay doonayaan in Ummadda Soomaaliyeed dib loogu celiyo Marxalladihii laga soo gudbay sannadihii 1990-aadkii, laakiinse ma muuqato inay Ummadda oggolaan doonaan Qorshahaasi.

Sidoo kale, Xeeldheerayaasha waxay farta ku godaan Madaxda Dowladda Federalka oo iyagu u muuqda kuwo ku fashilmay inay dalka gaarsiiyaan Doorasho Hal qof iyo Hal Cod (One man and One Vote).

Waxaana la qiri karaa in Waqti badan la baylihiyey oo run ahaantii lagu dhamaystiri kari lahaa Ajendooyinka Qaranka, balse, taasi ma dhicin sabab kasta ha loo aaneeyo.

Dib-u-doorashadda Madaxda Qaranka waxaa ka muhiimsan in marka la isla meel dhigo Talooyinka ay Maamul-gobaleedyadda ka soo ururiyaan Talo-siinta Muwaadiniinta ee Nidaamka Doorashadda soo socota.

Maamulka Puntland waxay ka shanqariyeen inaysan oggolaan doonin in Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5 lagu dabaqo Nidaamka Doorashadda sannadka soo socda, waxayna u ololeynayaan in Qaabkii Degmooyinka iyo Goballadda ee Xilligii Dowladdii Kacaanka  lagu kala qeybsado Awoodda Qaranka.

Labadaasi Aragti ayaana caqabad xooggan ka dhex dhalin karta Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda ku adkeysanayo in Awoodda lagu qeybsado Qaab Deegaan.

Khubarada iyo Cuqaasha ayaana rumeysan inaysan haatan suurto-gal ahayn in wax lagu qeybsado Nidaamka Qaab Deegaan, maadaama uusan dalku isku furnayn, isla markaana ay jiraan Degmooyin aysan Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda gacanta ku hayin.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii la yiraaahdo Nidaam Deegaan wax ha lagu qeybsado waxay ku fiicnaan lahayd in la gaaro Xilligeeda, maadaama dalka ay haatan ka socdaan colaado iyo kala qoqobnaansho.

Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka Federalka iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda oo ay dadkeenna weli ku barbaarin ayaa waxay ku khasbanaan doonaan in ay Xeer Jajab galaan, oo laga doodo sidee loo wada qeybsan karaa Xilalka Dowladda iyo Qaabee laga dhigaa Dowladda.

Xitaa waxaa aad loogu daali doonaa Awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, maadaama uu Khilaafkaasi qeyb ka yahay Dib-u-dhaca Dowladda Federalka iyo Fashilka qabsoomida Doorashadda sannadka soo socda.

Markaynu isku soo duubno, waxaa habboon inay Hoggaamiyayaasha talada ku darsadaan in laga xishoodo Isbahaysiga Beeleed, oo Hiigsiga laga dhigo mid Rabitaan Qaranimo, ee aan laga dhigin mid Beeleed, illayn Ummadda Soomaaliyeed waxaa ragaadiyey Rabitaanka Qabiilka iyo Anaa Amiir Wa Anta Amiir.

diirad

political vision

© Radio Dalsan

 

Previous Post

USA: Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo loogu deeqay gaadiidka u adkaysta Miinooyinka.

Next Post

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 5, 2025
Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo maanta taagan Banka Carafo
Warar

Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo maanta taagan Banka Carafo

June 5, 2025
Dagaal Culus oo Ka Qarxay Xuduudda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Kadib Weerar Ismiidaamin ah
Warar

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Xuduudda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Kadib Weerar Ismiidaamin ah

June 4, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadatashi La Yeeshay Hoggaanka Ururrada Siyaasadeed ee Isu Diiwaangeliyey Doorashada
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadatashi La Yeeshay Hoggaanka Ururrada Siyaasadeed ee Isu Diiwaangeliyey Doorashada

June 4, 2025
Xujeyda Dunida oo u Guuray Mina Iyagoo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka
Warar

Xujeyda Dunida oo u Guuray Mina Iyagoo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka

June 4, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Bulshada Rayidka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Bulshada Rayidka

June 4, 2025
Next Post

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka.

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 5, 2025
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u dhaliilay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maamulayo...

At Least 20 Al-Shabaab Fighters Killed in Clashes with Local Militia in Central Somalia

At Least 20 Al-Shabaab Fighters Killed in Clashes with Local Militia in Central Somalia

by Dalsan Editor
June 5, 2025
0

MOGADISHU  – At least 20 al-Shabaab militants were killed on Wednesday during fierce clashes with Ma’awisley clan militia in the...

Suspected Al-Shabaab Bomb-Makers Arrested After Accidental Blast in Mogadishu

Suspected Al-Shabaab Bomb-Makers Arrested After Accidental Blast in Mogadishu

by Dalsan Editor
June 5, 2025
0

Somali police arrested several suspected al-Shabaab militants on Thursday after an explosion in Mogadishu’s Dayniile district exposed what authorities described...

Premier Bank Launches Enhanced International Transfer Service “SWIFT”, Connecting Somalia to the World

Premier Bank Launches Enhanced International Transfer Service “SWIFT”, Connecting Somalia to the World

by Dalsan Editor
June 5, 2025
0

Premier Bank is proud to announce the launch of its enhanced direct SWIFT payment platform, transforming international money transfers by...

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
At Least 20 Al-Shabaab Fighters Killed in Clashes with Local Militia in Central Somalia
English News

At Least 20 Al-Shabaab Fighters Killed in Clashes with Local Militia in Central Somalia

June 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Suspected Al-Shabaab Bomb-Makers Arrested After Accidental Blast in Mogadishu
English News

Suspected Al-Shabaab Bomb-Makers Arrested After Accidental Blast in Mogadishu

June 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Premier Bank Launches Enhanced International Transfer Service “SWIFT”, Connecting Somalia to the World
English News

Premier Bank Launches Enhanced International Transfer Service “SWIFT”, Connecting Somalia to the World

June 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo maanta taagan Banka Carafo
Warar

Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo maanta taagan Banka Carafo

June 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo Ka Qarxay Xuduudda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Kadib Weerar Ismiidaamin ah
Warar

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Xuduudda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Kadib Weerar Ismiidaamin ah

June 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • At Least 20 Al-Shabaab Fighters Killed in Clashes with Local Militia in Central Somalia
  • Suspected Al-Shabaab Bomb-Makers Arrested After Accidental Blast in Mogadishu
  • Premier Bank Launches Enhanced International Transfer Service “SWIFT”, Connecting Somalia to the World

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00