• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Maxaa laga filan karaa Doorashadda Madaxtinimada ee Maamulka Somaliland?

Bilan Media by Bilan Media
November 14, 2017
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
5
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Tan iyo markii ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland ku dhawaaqeen  inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia sannadkii 1991-kii, waxaa shalay Deegaanadaasi ka dhacday Doorasho lagu dooranayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi.

Doorashadii shalay ayaana ahayd  tii 5-aad ee ka dhacda Maamulkaasi aan weli helin  Ictiraaf Czalami iyo mid Gobaleed toona.

Tan iyo markii Maamulka Somaliland looga dhawaaqay magaalladda Burco waxaa Maamulkaasi soo maray 4 Madaxweyne, kuwaasi oo kala ahaa Marxuum C/raxmaan Axmed Cali, Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”.

Reer Somaliland oo ku caana-maalaya Nabad, Maamul, Deganaansho iyo Kala-dambeyn ayaa waxay haatan ka wada war-sugayaan Natiijadda ka soo baxda Doorashadii Madaxtnimadda ee shalay loo codeeyey.

Ilaa 700,000 oo qof oo ku nool Goballadda W/galbeed, Togdheer, Awdal iyo qeybo ka mid ah Goballadda Sanaag iyo Sool ayaa shalay safaf u galay, si ay u kala xushaam 3-da Murashax Madaxweyne ee Xisbiyadda Waddani, UCID iyo Kulmiye.

Guddiga Doorashadda ayaana la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhawaaqaan Natiijadda Doorahsdda iyo Murashaxa noqon doona Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi.

Doorashadii shalay ayaa loo arkaa inay ahayd  tii ugu ballarnayd ee Qaab Nidaamsan la isugu soo baxay, looguna codeeyey.

Saddex Murashax Madaxweyne ee C/raxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay Codad badan ka kala heleen Deegaanadda ay Taageerayaashooda ku xooggan yihiin iyo kuwa ay Dhalasho ahaan ka soo jeedaan.

Waxaana hubaal ah inuu Murashax kasta ka goos adeegi doono haddii uu saluug ka muujiyey Natiijodda Doorashadaasi, waana Dhaqanka Murashixiinta laga guuleysto inay Dood Siyaasadeed ka keenaan Hawlaha Guddiga Doorashadda iyo qaabka loo tiriyey Waraaqaha Cod-bixinta.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in qeylo-dhaanta ugu ballaaran ka imaan karto haddii laga guuleysto Murashaxiinta C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo iyagu lagu xanto inay yihiin Siyaasiyiin Bud-la-duul ah.

Murashaxa kale ee Muuse Biixi ayaa isaga loo arko haddii laga guuleysto inuu ku qanci doono iyo inuu hambalyeyn doono Murashaxa nasiibka u hela Xilka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland.

Qoddobka kale ee indhaha lagu hayo ayaa ah Qorshaha Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Galaangalka Siyaasadeed ee uu u yeelan karo Ictiraaf-doonka iyo Fulinta Ballanqaadyadda Siyaasadeed eeuu sameeyey Xilligii uu ku jiray Ololahiisa Doorashadda.

Madaxweynaha Cusub ee la-doorto ee Maamulka Somaliland waxaa uu Isbaaro-siyaasadeed kala kulmi doonaa Hoggaamiyayaasha Xisbiyadda Mucaaradka ee ay ka go’an tahay inay Xisbi Xaakim kasta la galaan Xarig-jiid Siyaasadeed iyo inay Toosh ku iftiyaan Qaladaadka Taagan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Silaanyo ayaa lagu dhaliilaa inuu si aan ka-fiirsasho lahayn Qalinka ugu duugay Heshiiskii uu Shirkadda DP World ugu wareejiyey Maamulka Dekedda Berbera, Saldhiga Milliteri ee Imaaraadka la siiyey iyo in Dowladda Ethiopia saami lacageed laga siiyo Dakhliga Heshiiska lala galay Shirkadda DPW ee maamusha Dekedda Berbera.

Yabooha noocaasi ah ayaa la sheegay in Madaxweyne Silaanyo ku il-duufay, isla markaana uusan il naxariis leh ku eegin Shaqao La’aanta haysata Dhallinyarada Somaliland iyo Reer Guuraaga ku cayrtoobay Abaarihii iyo Nabaad-gurka ka dhacay inta badan Goballadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay Faysal Cali Waraabe ama C/raxmaan Cirro midkooda ku soo baxo Doorashadda, waxa hor taalla Shaqo Siyaasadeed aad u adag iyo Diplomaasiyadda Baadi-goobka Ictiraaf-doonka 26-sanno jirsaday  iyo Dib-u-eegista Heshiiskii Shirkadda DP World iyo Saamiga Lacageed ee Dowladda Ethiopia sabab la’aanta looga siinayo  Dakhliga Heshiiska Laba Geesoodka ee Maamulak Somalland la galeen Shirkadda DP World.

 

Previous Post

Dhageyso:-Guddiga Gurmad Qaran oo lagu wareejiyay lacago laga soo aruuriyay Soomaalida Kenya iyo Uganda+Sawirro

Next Post

Daawo:-Muuqaalka Gaarigii ku qarxay Isgoyska Zoobe bil ka hor oo la helay

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Next Post

Daawo:-Muuqaalka Gaarigii ku qarxay Isgoyska Zoobe bil ka hor oo la helay

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

by Liban
May 11, 2025
0

Koogaar (also known as Burdheere), Middle Shabelle Region – Two civilians were killed early this morning in a targeted attack...

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

by Liban
May 11, 2025
0

MOSCOW / KYIV / ISTANBUL —Russian President Vladimir Putin has declared his readiness to engage in direct peace talks with...

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa...

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

by Liban
May 11, 2025
0

Washington, D.C. – In a major diplomatic shift with wide-reaching geopolitical consequences, the United States is on the brink of...

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
English News

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
English News

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
English News

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

"Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS"

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
  • Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
  • Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
  • Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00