HomeWararFAALLO: Maxaa ka soo bixi kara Kulamadda Xildhibaanadda Barlamaanka ee Moshinnadda...

FAALLO: Maxaa ka soo bixi kara Kulamadda Xildhibaanadda Barlamaanka ee Moshinnadda horyaala ?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Fadhigii Lixaad ee Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia ayaa la sheegay inuusan xirmi doonin xilligii loo qorsheysan oo ku beegan bishan August 27-da, kadib, markii uu Guddoonka Barlamaanka shaaciyey inay weli qabyo yihiin Mooshinadda loogu talagalay in laga dodo, si loo ansixiyo. Kulamadda Xilligan ee Barlamaanka oo soo bilowday bishii April 27-dii ee sannadkan ayaa u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Fadhigii Lixaad ee Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia ayaa la sheegay inuusan xirmi doonin xilligii loo qorsheysan oo ku beegan bishan August 27-da, kadib, markii uu Guddoonka Barlamaanka shaaciyey inay weli qabyo yihiin Mooshinadda loogu talagalay in laga dodo, si loo ansixiyo.

Kulamadda Xilligan ee Barlamaanka oo soo bilowday bishii April 27-dii ee sannadkan ayaa u muquda inuusan si joogto ah u qabsoomi jirin, sababo la xiriira Xildhibaanadda oo habsan ka noqda Xilliyadda Shirarka, iyadoo uusan Guddoonka Barlamaanka hanan kari la’ yahay inuu Tallaabo Anshsax-marin ah ka qaado Xildhibaanadda caadaystay inay sagsaag ka noqdaan Fadhiyadda Barlamaanka.

- Advertisement -

La-yaabna uma arkaan in Kulamadda ay u baaqdaan tiro-yaridda Xildhibaanadda, waxaana Xildhibaanadda lagu tilmaamaa kuwo si ku-talagal ah isaga jooga Hoteeladooda, marka ay Guddoonka Barlamaanka soo bandhigaan Mooshin aan Xasaasiyad lahayn.

Waa u dhaqan Xildhibaanadda inay Madasha Barlamaanka ku soo xoomaan, marka laga doodayo Mooshinadda Siyaasadeed, gaar ahaan kuwo u qorsheysan in Mas’ululiyiin xilalka looga xayuubiyo.

Xeeldheerayaasha ayaa u arka in Xilli-kordhinta Fadhiga Lixaad ee Barlamaanka inay ku salaysan tahay iyadoo ay miiska saaran yihiin  Sharciga Isgaarsiinta iyo Moshinka ay qaar ka mid ah Xildhibaanadda ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Xildhibaanadda BFS ayaa jeclaa inay Fasax galaan, si ay ugu suurto-gasho inay booqdaan Qoysaskooda ku nool dalalka dibedda ama ay u soo danaystaan, laakiinse, waxaa hakiyey, kadib, markii ay Guddoonka Barlamaanka iclaamiyeen in xilli lagu daray Kulamadda Xildhibaanadda.

Mooshinka ugu garnaqsiga adkaan doono ayaana la saadaalinayaa inuu ka imaan doono Xildhibaanadad Mooshin-jecelka ee had iyo jeer u ololeeya Qandaraaska Mooshinka, kuwaasi oo la xusuusan yahay inay Saf-mar ka noqdaan hadba Mas’uulka ay u arkaan inuusan bixin karin Dufan-Siyaasadeedka ku sidkan Mudane, l Af-garo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan  Xildhibaanadda wada taageeri doonin Mooshinkaasi, maadaama ay u arkaan Mooshin la keenay Xilli aan Munaasib ahayn, isla markaana uu Mooshinku abuuray  Qas Siyaasadeed iyo Khatar Qaran.

Xildhibaanadda Mooshinka soo bandhigay, oo tiro ahaan  lagu sheegay 91-Xildhibaan ayaa waxaysan lahayn Aqlabiyadda Codadka taageersan Mooshinka, oo dhan 184 Xildhibaan.

Xaalladda Siyaasadda ee haatan taagan ayaa laga cabsi qabaa inay ka abuurmaan Mowjaddo kale, oo ay ka mid tahay in Khilaafka Madaxweynaha iyo Xildhibaanadda Mooshinka wata uu u gudbo Maxkamadda Sare, iyo inuu Madaxweynuhu dalbado inay Xildhibaanadda keenaan Caddaymo muujinaya Qoddobadda ay ku eedeeyeen.

Taasi haddii la isla gaaro, waxaa hubaal ah inay Xildhibaanadda madaxa la geli doonaa Xukun Sharciyeed, maadaama ay muuqato inay Qoddobadda ay cuskadeen yihiin kuwo la mala awaalay, si loogu awr kacsado Dareenka Xildhibaanadda iyo Mujtamaca.

Sharci-yaqaanadda waxay kaloo rumeysan yihiin inuu Madaxweynuhu isagoo adeegsanayo Awoodda uu siiyey Dastuurka inuu kala diri karo Xildhibaanadda, si loo soo doorto Barlamaan cusub.

Laakiin, go’aan-qaadashada noocaasi ayaa u muuqata inuusan Madaxweynaha ku degdegi doonin, si aysan Xaalladda u sii gaagixin, loona badbaadiyo Hay’adaha Qaranka.

Markaynu isku soo duubno, Xildhibaanadda BFS ayaa laga filayaa inay Mooshinka ku  xaliyaan  qaab kasta oo  aan kala dhantaali doonin Midnimadda Golayaasha Dowladda iyo Fulinta Hawlaha Qaranka.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts