Waa dhif iyo Naadir Hoggaamiye Qaran oo xilli badan ku bixiya sidii uu u xog ogaan lahaa xaalladda dadka uu Madaxda u yahay, waxaana taasi bedelkeeda ku mashquulaan , kuna indho-dararaan Xilka Qaran ee ay hayaan.
Hoggaamiye kasta ee dalka hayinka u soo qabtay waxaa u diiwaan gashan inuusan wax buuran ka soo qaadin Xaalladaha dhabta ee ay ku sugan yihiin Dadka Soomaalida, waana hubaal inaysan Madax badan wax ka aqoonin Juqraafiga dalka, una sawiran tahay inuu dalka ku kooban yahay Deegaano kooban.
Caqabadda ugu weyn ee Madaxdeenna ula jaan-qaadi la’ yihiin Sooyaalka Xaalladda ay dadku ku sugan yihiin ayaa ah iyagoo ku mashquula arrimaha Siyaasadda iyo Maaliyadda.
Waxaa kaloo jira Hoggaamiyayaal si balaf ah ay Gacan-yarayaashooda uga warbixiyaan Xaalladaha ay Ummadda ku nool yihiin, iyagoo dhanka fiican keliya u muujiya.
Abaaraha ay Dadka iyo Xoolaha ku le’daan, Colaadaha iyo Amni-xumidda iyo Horumar La’aanta ma jecla in Madaxdeenna loo muujiyo, mana ku baraarugaan, ilaa ay ka qeyb galaan Shirarka Caalamiga ee lagu yabaooho Deeqaha weelka daloola lagu shubo.
Sidoo kale, Madaxdeenna waxay jecel yihiin inay Daawadaan ama Dhegeystaan Wareysiyadda ay siiyaan Warbaahinadda Caalamiga, balse, ma jecla inay dhegeystaan Warbaahinadda Maxaliga iyo Dareenka iyo Farriimaha Taagan ee ka imaanaya qeybaha Bulshadda, gaar ahaan kuwa tabaalaysan iyo Barakacayaasha.
Macluul daran, Sicir-barar, Shaqo La’aan, Caafimaad-darro, Amni-xumo iyo Waxbarasho la’aan ayaa lagu tilmaami karaa waxa ay Ummadda ka dhaxleen Dowladihii isaga kala dambeeyey Hoggaaminta Dalka.
Waa hubaal in Xaallad Nolol Sare iyo Nolol Hoose lagu kala sugan yihiin, iyadoo Dabaqadda Sare ee Madaxda, Gnaacsatadda iyo Qoysaska ladan la liicaan dibir, halka inta badan Ummadda ay wehel u yihiin Qarsin-qalooc iyo Mustaqbal xumo.
Waxaa xaqiiqo ah inay Madaxdeenna u riyaaqaan Ammaanta sida joogtadda loo huwinayo, balse ay ka sasaan marka iyaga la naqdiyo ama loo sheego Xaqiiqda Jirta iyo inay daalacdaan Waayaha dhabta ee ay Ummadda ku nool yihiin.
Madaxdeenna waxaa la gudboon inay dhegeystaan Guuxa Dadweynaha, si ay u noqdaan Hoggaamiyayaal wax maqla, waxnaqaban kara, kana war haya Guuxa Taagan iyo Dhaliilaha waxqabadka u baahan ee aysan ku mashquulin Bandhig Siyaasadeedka ee Ammaanta keliya xambaarsan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Guuxa Dadweynaha miisaan ma ku leeyahay Talada Dalka, Madaxdeenase ma dhegeystaan miyaa Guuxa Dadweynaha ?
©Radio Dalsan