Muwaadiniinta Soomaalida ayaa waxay indhaha ku hayaan Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee la shaaciyey in la qaban doono bishan December 28-da, inkastoo uu mugdi ku jiro in xilligaasi dhici doonto.
Waa Doorasho tijaabo u ah Hiigsiga Soomalida ee afarta sanno ee soo socota, iyadoo aan la saadaalin karin Musharaxa ku soo bixi doono xilka Madaxtinimo, Awoodiisa Mas’uuliyeed, Galaangalkiisa Diplomaasiyadeed iyo sida uu ku noqon karo Hoggaamiye Daacad ah oo ka nadiif ah Musuqa, Nin Tooxsiga, Beeleysiga,Ku-takrifalka Awoodda iyo Hantida Qaranka.
Taxanaha Madaxweynayaashii Talada dalka isaga kala dambeeya waxaa naadir ku ah Hoggaamiye 100% fuliya Ballan-qaadyadda Qaranka ee laga sugayey, haba ugu dambeeyaan Madaxda Kursiga Villa soo sal-dhigatay tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka ee Jaalle Siyaad.
Kuma dheeraan karno Hinqasho Siyaasadeed iyo Xilli-samaadkii Dowladnimo ee la soo maray, waxaase ayaan-xumo weyn noqotay Hab-dhaqankii Dowladihii KMG iyo Dowladda haatan Sii-haya ka aha Talada Dalka, waayo ma jirto Dowlad ka nadiif ah Dhaqan-xumida Dowladnimo ee ay Musuqa iyo Caddaalad-darrada ugu tunka weyn yihiin.
Khasnadii Qaranka ayaa maran, Kheyraadkii dalka ayaa la kala boobay ama Shirkado iyo dalal kale ka macaashaaan, waxaana aad u kooban Niyadda Muwaadiniinta Soomaalida oo 70% ku nool yihiin Shaqo La’aan, Mustaqbal-xumo iyo arrimo kale.
Hamiga Dadku waa uu sarreeyey Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii, balse waxay ugu dambeyntii dareemeen inaysan rumoobin Hamigii ay ka qabeen Dowladda Federalka oo xilligeeda ku dhamaysatay Buuq-siyaasadeed iyo Musuq lagu sameeyo Deeqihii Lacageed ee ay Beesha Calaamka ku soo yabooheen.
Haatan oo Doorasho kale loo gogol-xaarauyo ayaa waxaa la qiri karaa in rajo kooban laga qabo Ballan-qaadyadda Musharixiinta iyo in natiijadda Doorashadu noqoto mid Hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Musharax kasta waxa uu Ololihiisa Doorasho ku soo bandhigay Ballan-qaadyo ku aadan Caddaalad, Dowlad-wanaag, La-dagaalanka Musuqa, Soo-celinta Nabadda, Horumarinta Adeegyadda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda.
Waana Hal-ku-dheg Siyaasadeed looga dan leeyahay Beer-laxawsi iyo in lagu kasbado Aqlabiyadda Xildhibaanadda wax dooranayso, kuwaasi oo sannadkan xaqiiq ahaan ka khibrad hooseeya Xildhibaanadii horey wax u soo dooratay.
Tobanaanka Musharax ee ku loolami doona Kursiga Madaxweynaha ayaa ah kuwo isku-dhafan, inkastoo muuqaalka guud laga dareemi karo inuu Musharax kasta Taagtiisa tallaabsan doono.
Waxaana Masraxa Musharixiinta laga dareemayaa inuu jiro Is-kooxeysi iyo Is-beeleysi siyaasadaysan, waxayna arrintaasi saamayn ku yeelan doontaa Mustaqbalka Madaxweynaha la soo dooranayo, illayn Qabiil iyo Qaran isma qaadi karaan.
Musharixiinta sida khaaska loo hadal hayo inay isugu soo hari doonaan Wareegga ugu dambeeya ee Doorashadda Madaxtinimadda ayaa la ogeyn sida ay u kala bixi doonaan, waxaana caqligal ah in ay Musharixiin badan isla galeen Xeer Jajab, sida in loo tanaasulo Musharaxa ay taageersan yihiin ama in Codadka Xildhibaanadda iyaga jaalka la ah ugu shubaan Musharaxa ay isla gartaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa is-weydiin mudan Loolanka Musharixiinta Madaxtinimadda ma noqon doonaa mid ka hufan Musuqa?
©Radio Dalsan