• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Faallo:- Isla-xisaabtanka Dowladda Federalka yaan lagu koobin Nabadgeliyo-xumidda.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 3, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Horaa loo yiri Waqtigu waa sida Seef oo haddaan jarin uu isagu ku jarayo ama kula tegayo, waxaana Maahmaahdaasi laga dhaxli karaa in Dowladda Federalka waqtiga ka sii gurayo, iyadoo ay weli farri ka qodnayn Hawlaha qabyadda u ah ee aan waqtiga loo heli doonon dhamaystirkooda.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay, Golaha Barlamaanka Federalka waxay Kulan Su’aaleed Isla-Xisaabtan leh kula jireen Ra’isul-wasare Cumar C/rashiid iyo qaar ka mid ah Taliyayaasha Hay’addaha Ammaanka.

Inkastoo Kulamadaasi la muujinayo inuu ku salaysan yahay La-xisaabtanka dhinaca Ammaanka iyo Qaraxyadda Alshabaab, ayaa waxaa haddana la dareensan yahay inay Xildhibaanadda BFS gocasho ka qabaan Qoddobo ay u arkaan in lagu xadgudbay Xasaanadooda, gaar ahaan falal ay sheegeen in qaar ka mid ah Xildhibaanadda  lagu baaray Garoonka Diyaaradaha.

Xaqiiq ahaan, xilligan waxaa habboon in ay Madaxda Labada Gole meel iska dhigaan Is-dhaliisha, isla markaana u midoobaan Xoojinta Nabadda iyo Dhamaystirka qoddobadda udub-dhexaadka u ah Fulinta Nidaamka Doorashadda, oo ay ka dhiman tahay bilooyin fara-ku-tiris ah.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in La-xisaabtanka ka socda Golaha Barlamaanka inuu bud-dhig u yahay Arrimaha Ammaanka iyo in lala xisaabtamo Hay’adaha loo xaglinayo Habacsanaantaasi iyo  qaraxyadda lagu hoobtay ee ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo, balse ay jiraan arrimo badan oo Xasaasi ah oo Xilligan Taagan, sida Meel-marinta Nidaamka Federalka, La-tashiyadda qabyadda ah Isfahamka Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka Puntland iyo Hagaajinta Nidaamka Maaliyadda iyo Samaynta Lacagta Qaranka, iyadoo haatan la og yahay in Dollar ku xiran tahay Nolosha iyo Badeecadaha dalka.

Mashaqo Taagan ayey noqotay Sugidda Ammaanka iyo Qaraxyadda, waxayna Dowladihii KMG iyo Dowladdan Federalka ka qaadeen madax-daalis iyo Is-eedeyn joogto ah, waxaana xilalkooda ku waayey Mas’uuliyiin iyo Saraakiil loo xagliyey inay dhinacooda ka jirtay Habacsanaantaasi.

Haatan, Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ayaa u muuqqa kuwo Seefta Galka kala baxay, si ay La-xisaabtan dhab ah ku Gole keenaan Xubnaha Golaha Wasiiradda iyo Taliyayaasha Hay’addaha Ammaanka, si ay wax uga weydiiyaan Dhacdooyinka halista ku ah Ammaanka Guud ee dalka, gaar ahaan Magaallo-madaxdeenna.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Dharaar Cad ayey Hoobiyayaal ku soo hoobteen meelo ku dhow Madaxtooyadda iyo Golaha Barlamaanka, iyadoo duqeyntaasi oo ay Alshabaab sheegatay ku geriyoodeen dad rayid ah oo aan waxba galabsanin.

Waana uur-ku-taallo inay Alshabaab weli fursad u helaan inay Muqdisho ka geystaan duqeymo iyo qaraxyo, oo ay ugu darnaayeen Qaraxyaddii Jimcihii hore lala beegsaday Hotelka iyo Barxadda SYL ee sababay dhimashadda, dhaawaca iyo burburka ballaaran.

Isla Xisaabtanka ay Xildhibaanadda haatan bilaabeen ayaan la ogeyn waxa ku soo beegay Xilligan, waxaana laga yaabaa in looga dan leeyahay Is-muujin Siyaasadeed iyo  in Miisaan cusub lagu yeesho Xilliga Kala-guurka Siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Isla-xisaabtanka yaan lagu soo koobin Nabadgelyo-xumida, balse ha laga dhigo Isla-xisaabtan Furan oo dhinacyadda Siyaasadda, Maamulka, Dhaqaalaha, Nolosha Bulshadda iyo Danaha Guud ee Qaranka.

©Radio Dalsan

Previous Post

(Akhriso Magacyadda + Sawir): Spain oo xukun ku riday koox Burcad-baddeed Soomaali

Next Post

DEG DEG: Qaraxyo xoogan oo laga maqlay Degmada Afgooye

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Next Post

DEG DEG: Qaraxyo xoogan oo laga maqlay Degmada Afgooye

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00