(FAALLO + DHEGEYSI): Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka oo qiil u la’ Garnaqsiga Faragelintooda  ee Cod-bixintii Doorashadda.

Somalia waxay haatan taagan tahay meel Is-goys ah, waxaana lagu jiraa Xilli Kala-guur Siyaasadeed, lamana oga Jihadda ay Somalia u dhaqaaqi doonto Doorashadda kadib.

Waxaa sii kordhayso Cabashadda laga muujinayo Awoodda Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka, oo  iyagu ah Saaxiibayaal Siyaasadeed oo iskooda isugu cimaamaday inay Garwadeen ka noqdaan Masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Madasha ayaa lagu tilmaamaa Afduubayaal Siyaasadeed oo u xusul-duubaya inay Dalladda Madasha ku gaaraan Danaha Shaqsiyadeed, Beeleed iyo Isbahaysi ee ay u wada loolamayaan.

Madaxda Madasha Qaranka ayaa waxay ka kooban yihiin 7 xubnood, kuwaasi oo kala ah:-

  1. Madaxweynaha DFS ee uu Xilligiisu dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud,
  2. Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu Xilligiisu dhamaaday, Cumar C/rashiid,
  3. Guddoomiyaha BFS ee uu Xuilligiisu dhamaaday, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,
  4. Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed
  5. Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntlandd, C/weli Maxamed Cali Gaas.
  6. Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo
  7. Madaxweynaha Maamul-gobaleedka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoggaamiyayaashaasi ayaa laga wada dheregsan yahay inaysan wakiil buuxa ka ahayn Beelaha Soomaalida ee Sannooyinkii u dambeeyeey wax ku wadaagi jirey Nidaam-siyaasadeed loogu waqlayey Qeybsiga 4.5, iyadoo qeybsigaasi loo arkay Xal looga gudbi karo Xaallada haatan lagu jiro.

Madaxda Madasha Siyaasadda Qaranka ayaana looga fadhiyaa inay noqdaan Mas’uuliyiin aan ku dhaqmin Danaysi, Sed-bursi, Kooxeysi iyo Damac Siyasaadeed aan Xuduud Lahayn.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Aragtida Madaxda Madasha Qaranka ku shaqeynayaan Xeellad ku jiheysan inay saamayn ku yeeshaan Dowladda cusub ee la soo dooranayo.

Waana hubaal inay Hoggaamiyayaashaasi faragelin toos iyo mid dadban ku leeyihiin Natiijadda Doorashooyinka Labada Aqal ee Barlamaanka ee lagu soo doortay Caasimad-gobaleedyadda Maamuladda Puntland, Glamduug, K/galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Guux Siyaasadeed, Cabasho iyo caddaymo jirdil iyo xarig loo geystay Musharixiin, Odayaal Dhaqameed iyo Tacadiyo kale oo Baahsan ayaana hareeyey Doorashooyinkaasi, waxayna Ergooyinka Beesha Caalamka qireen in musuq baahsan loo adeegsaday Cod-bixiyayaasha, laguna boobay Kuraasta Beelaha, gaar ahaan Qoondada Haweenka ee 30% ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.

Guddiga Doorashadda Dadban iyo Guddiga madaxa bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku jahwareersan sidii ay u kala garqaadi lahaayeen Musharixiinta lagula kacay Caddaalad-darradda, kuwa laga boobay Kuraasta iyo Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka codeeyey inay yihiin kuwii Rasmiga ee ay 135-ka Oday Dhaqameed soo saxiixeen iyo inay yihiin Ergooyin Been Abuur ah.

Mas’uuliyiinta Madasha Qaranka ayaa ku lug leh Cabasho kasta oo la soo hadal qaado, waxayna taasi muujinaysaa inuu Hoggaamiye kasta awood Maamul. Dhaqaale  iyo Xeelado kale oo Dahsoon uu u adeegsaday si ay u soo baxaan Mushariixinta dacaad u ah,  isla markaana meesha laga saaro Musharixiinta ay u arkaan Mucaaradkooda Siyaasadeed.

Qaar ka mid ah Madaxda Madasha Qaranka ee la sheegay inay faragelin toos ah ku hayeen Nidaamka Cod-bixinta ayaa  laalay Talooyinka San ee ay Odayaasha Dhaqanka Beelaha iyo Waxgaradka kale ku xeer toosin lahaayeen Madaxdaasi laga soo dacwooday.

Waxaa kale oo hubaal ah inay  Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda yihiin Guddiga loo idmaday inay xal u helaan Cabashooyinka loo soo gudbiyey, balse ma laha Awood Qaanuuni  iyo mid Garsoor oo ay ugu gar qaadi karaan Musharixiinta ka cabanaya in laga musuqmaasay ama laga boobay Kursigii uu ku tartamayey iyo Madaxda Madasha ee lagu dacweynayo inay Faragelin, Ku-takri-fal Awoodeed, mid Maamul iyo Dhaqaale u adeegsadeen Doorashadda, si loo soo doorto Musharixiin ay Isbahaysi Dan-wadaag yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ku xisaabtamayo  tirada ugu badan  Xildhibaanadda, si ay jaranjaro Siyaasadeed ugu dhigtaan Loolanka lagu hiigsanayo Kursiga  Siyaasiyiinta madax maray ee yaalla Villa Somalia, waxayna u muuqdaan Hoggaamiyayaashaasi  kuwo qiil u la’ Garnaqsiga  Eedeymaha Faragelinta ee lagu sheegayo in ay ku jiho rogeen Natiijadda Cod-bixintii Doorashooyinka.

HALKAN KA DHEGEYSO FAALLADDA, OO UU INOO AKHRINAYO WERIYE ABUUBAKAR MAXAMED CALI.

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor