(Faahfaahin): Uganda oo qoranaysa Ciiddankii horey u soo dagaalamay, si ay qeyb uga noqdaan Hawlgalka AMISOM

Wasaaradda Difaaca Uganda ayaa bilowday qorshe ay ku qoranayso 1,500 ka mid ah Ciiddankii hore ee dalkaasi, si ay qeyb uga noqdaan Hawlgalka AMISOM.

Wargeyska Maalinlaha ee Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala waxa uu shalay qoray inay Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF   qorteen 117 Askartii hore ee Khibradda leh, kuwaasi oo ka soo jeeda Degmadda Teso ee Gobalak Bari ee dalkaasi, si ay ugu biiraan Hawlgalka Nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM.

Qorista Ciiddankaasi waxaa  lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha ee Degmadda Soroti oo u dhow Harrada “Lake Kyoga” ee dalkaasi.

Madaxa qeybta Hawlgalladda iyo Tababaradda ee Ciiddanka dalkaasi, Kolonel Benard Tuhane oo la hadlay Ciiddankii hore ee loo qoray inay qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in Ciiddanka la qorayo ahaado Shaqsi aad u tababaran, ka dhisan jir ahaan, caafimaadna qaba, isla markaana ay da’diisu ka hosoeyso 55-jir, si uu taageero uga geysto Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee ka socda Somalia.

“Waan idiin baahanay, waayo khibradiina si aad taageero uga geysataan Hawlgalka Nabad-dhowrista, waa inaad awoodi kartaa inaad qaadi kartaan qalab Milliteri oo culayskiisu dhan yahay 20 Kiilogaram ah, Koofiyad 30 Kiilogaram ah iyo hub kale  si caqabad la’aan ah” ayuu yiri Kolonel Benard Tuhane.

Waxa kale oo  uu xusay in Ciiddankii ku guuleysta shuruudahaasi  ordi doonaan masaafo dhan 4 KM, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hadafka Hawlgalka uu yahay xoojinta Awoodda ciiddankii soo dagaalamay uga macaashaan Qandaraaskooda.

Ciiddanka  Khibradda leh ee ay Uganda u soo diri doonto Somalia ayaa waxaa la sheegay inay  mushaar ahaan qaadan doono lacag dhan 1,083 Dollar bishiiba, isla markaana laga yaabo in loo kordhin doono Mushaarka, haddii ay muddo dheer sii joogaan Somalia.

Ciiddanka kale ee Uganda ee  haatan qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu Askari kasta  mushaar ahaan bishii u qaataa 722 Dollar.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire ayaa sheegay inay qoranayaan 1,500 oo ka mid ah Ciiddankii hore ee khibradda lahaa ee dalkaasi oo caafimaad ahaan iyo jir ahaan wanaagsan, si ay qeyb ugu biiraan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ha Hawlgalka AMISOM.

Afhayeenka oo la hadlay Shabakadda Wararka ee SoftPower News ayaa sheegay inay garwaaqsadeen inay dib u qortaan Ciiddankii Khibradda Milliteri lahaa,  kuwaasi oo uu sheegay inay ku dheer tahay Waddaniyadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu sheegay inay daad-gureyntooda weli ku jirto qorshaha Tubta AMISOM ee  lagu taageerayo Xilliga Kala-guurka ee ay AMISOM kaga soo bixi doonaan Somalia sannadka 2021-ka.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire waxa kale oo uu tilmaamay inay Ciiddankaii hore ee Kaydka ee dalkaasi horey uga mid noqdeen Ciiddankii Uganda ee lo soo diray Somalia muddadii u dhexeysay sannadihii 2011-kii ilaa 2014-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka cusub ee ay Uganda sheegtay inay ku soo biirin doonaan  Hawlgalka AMISOM waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Golaha Ammaanka ee QM horey u go’aamiyeen qorshe lagu dhimayo tirada Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media