Faahfaahin + Sawiro: Dhowr qof oo ku dhaawacantay gaari ku qarxay Maqqaxiga “The Village” ee Muqdisho.

Ugu yaraan 3 qof oo mid ka mid Weriye ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, halka ninkii waday gaarigaasi uu ku geeriyooday qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa tilmaamay inuu gaarigaasi qalibmay, ka hor inta uusan ku qarxin Derbiga Maqaaxiga The Village eek u dhegan Dhismaha Hoyooyinka ee Degmadda Xamar-weyne.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa u sheegay Saxaafadda inaysan jirin dad ku dhintay qaraxaasi, marka laga reeebo Dareewakii waday Gaarigaasi.

Warar ayaa sheegayo in Gaariga miineysnaa la doonayey in lagu qarxiyo Kolonyo gaadiidka Boliska oo gebinaysay Taliye ka tirsan Taliska Boliska Gobalka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Maqaaxida The Village, waxaa inta badan  fariista Suxufiyiinta Idaacadaha iyo Telefishinadda, kuwaasi oo subax kasta ku kala war qaata Hawl-maalmeedkooda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor