Faahfaahin: Inkabadan 10-qof oo ku geeriyootay weerarkii Naasa Hablood 1

kadib qarax iyo weerar xoogan oo ay galabta dagaalamayaasha Al shabaab ay ku qaadeen hotel-ka naasa hablood 1 ayaa la warinayaa in ay waxyeelo kasoo gaartay dad aad u badan.

Inta la xaqiijiyay ilaa hadda waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 10-qof tiro intaasi kabadana waa ay ku dhaawacmeen.

ciidamadda amaanka ayaa gudaha hotel-ka u galay iyaga oo halkaasi kula dagaalamay afar ruux oo la sheegay in hotel-ka ay ka dhex dagaalamayeen.

Dadka dhintay waxaa kamida labo dhaqtar oo magacyadooda lagu kala sheegay Dr Ducaale Aadan Shahiid, iyo ayaanle Maxamed Aadan oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed, oo xiligaas tababar Caafimaad ku bixinayay gudaha Hotelka.

Weerarka hotel Naasa hablood ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyada oo xalay magaaladda ay kusoo dhaceen tiro hoobiyayaal ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor