Faah faahin:Qaraxyo ka dhacay dalka Indonesia

Ugu yaraan 6 qof oo lagu dilay qaraxyo saakayto lala beegsaday Kaniisado ku yaalla dalka Indonesi.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay weerar Is-qarxin ah ka dhaceen 3 Kaniisad oo ku yaalla magaallada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee SURABAAYA.

Weeraradaasi ayaa la sheegay inay ugu yaraan 6 qof ku geeriyootay, iyadoo ugu yaraan 35-kalena lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, Boliska waxay qarax ka baarayaan Kaniisad 4-aad oo laga cabsi qabo in lagu aasay waxyaabaha qarxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor