Faah faahin:Askar lagu diley duleedka Magalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ku waramayaan in rag ku hubeysnaa bustoolado ay deegaanka Ceelasha biyaha ku dileyn askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd meel aad u mashquul badan ayaa la sheegay in saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda si gaadmo ah loo dilay,isla markaana dadkii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Qof ku sugan Ceelasha ayaa Dalsan u sheegay in dilka ka dib ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya,isla markaana ay goobta ka qaadeen meydka askarta,iyaga  sameeyey baaritaano aan weli la sheegin waxa lagu soo qabtay.

Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Ciidamada dowladda ayaa mararka qaar ka dhaca Muqdisho iyo duleedkeeda,waxaana inta badan mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor