Faah faahin: Wiil uu dhalay Xasan Daahir Aweys oo lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka.

Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday Ibraahim Xasan Daahir Aweys oo ah wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo 10-sanno u xiran DFS, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Dad ayaa ku warramay in Ibraahim Xasan Daahir xilligii la duqeynayey uu ku sugnaa beer uu lahaa, isla markaana diyaaradda duqeynta fulisay ay kusoo riday Gantaal, isagoona durbadii goobta ku dhintay Ibraahim Xasan.

Ma jirto faah faahin intaas ka badan oo la haayo duqeyntii dhacday, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo ay uga hadlayaan duqeynta.

Marxuum Ibraahim Xasan Daahir Aweys ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah, kaasi oo wax ku bartay gudaha magaalada Muqdisho iyo dalka Masar, wuxuuna kamid ahaa Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Muqdisho, lama oga inuu
bartilmaameedka weerarkan uu isaga ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor