Faah Faahin:-Weerarkii Elite Hoteel oo lasoo afjaray

Wararkii ugu dambeeyay  ee weerarkii galabta lagu qaaday Hoteelka Elite ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda ay soo afjareen weerarkaas oo ku dhawaad shan saacadood qaatay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in la dilay dableydii Hoteelka ka dhex dagaalamaysay, waxaana Ciidabku ay soo bad-baadiyeen dad shacab ah oo ku go’doonsanaa gudaha Hoteel.

Weerarka galabta ayaa ahaa mid khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku dhintay qaraxyadaas iyo weerarkaas is xig-xigay, sidoo kale waxa jira dad shacab ah oo lagu laayay gudaha Hoteel, waxan wararku sheegayaan in wax ka badan 15 ruux ay ku dhinteen weerarkaas.

Wali hay’adaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowladdu kama hadli, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aaddan ay ka hadlaan arrintaan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media