Faah faahin: Toogasho ka dhacday Magalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Magaaladaas ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

Askarigaan oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Hoose ee Magalada Boosaaso,waxaana xilliga la dilayay uu ku sugnaa Suuqa Weyn ee Magalada Boosaas oo uu xilligaas Shaqadiisa ka watay.

Kooxdii ka dambeysay dilka askarigaas ayaa goobta ka baxsatay,waxaana maamulka degmada boosaaso ay sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu amniga xun deegaanada Puntland waxaana mar walba ka dhaca falal lidi ku ah Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor