HomeWararFaah faahin:-Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil khasaro  gaystay oo goordhaweyd ka dhacay  Degmada Boondheere ee Gobolkani Banaadir, waxaana uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaanno Nasiib-buundo. Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ah nooca Soomalidu u taqaanno Caasiga iyo Mooto Bajaaj, waxaa ka dhashay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil khasaro  gaystay oo goordhaweyd ka dhacay  Degmada Boondheere ee Gobolkani Banaadir, waxaana uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaanno Nasiib-buundo.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ah nooca Soomalidu u taqaanno Caasiga iyo Mooto Bajaaj, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay Seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkii dhaawaca ahaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka si xaalddoda caafimaad loogula tacaalo.

Waddada laamiga ah ee shilku ka dhacay ayaa ah waddo dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxaana bannaanbax sameeyay dadka degaanka ee daggan xaafadaha ku teedsan waddada shilku ka dhacay.

Shacabka degmooyinka Shibis iyo Boondheere ayaa sameeyay bannaanbax ay ku dalbanayaan in waddada loo sameeyo caalamadda inta badan gaadiidku ay ku hakadaan ee loo yaqaanno Askari jiifa, taasoo ilaa hadda aan laamiga loo sameeynin.

- Advertisement -

Sidoo kale gaadiidleyda isticmaala waddada dhawaan la dayactiray ayay dadka degaanku ku eedeeyen in ay gaadiidka ku wadaan xawaare sare, iyadoo aysan waddadu lahayn Calaamadda hadadka, waxaana taasi ay keentay in shilalku bataan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts