Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo Maanta ka dhacay Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay Magaalada.
Qaraxa oo ahaa gaari noociisu yahay Surf ayaa waxaa la sheegay in marka hore la soo dhigay goob barxad ah oo ku taalla agagaarka Isgoyska Digfeer,isla markaana waxaa dadka deegaanka ay uga shakiyeen inuu qarax sido,kuwaasi oo markii dambe ku wargeliyay Ciidamada amniga dowladda.
Intaasi kadib ayaa waxaa goobta lagu arkay gaariga tegay Ciidamada amniga dowladda ,iyagoona Darawalkii waday gaariga qarxay ku amray in uu soo degto,hayeeshee uu ka biyo diiday arrintaas,kadibna rasaas ku furay gaariga,sidaasin uu ku qarxay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxaana ku dhintay hal ruux,halka 11 qof oo kale ay ku dhaawacmeen,In kastoo aan si dhab ah loo shaacin Khasaaraha.
Dhismayaashii ka Agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan,waxaana halkaasi baaritaano kala duwan ka wada Ciidanka Booliska Soomaaliya oo goobta xiray.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaliya oo ay hadlayaan qaraxii ka dhacay Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.