Faah faahin: Qarax lagu dhaawacay Dhaqaatiir Ajaanib ah oo ka dhacay Muqdisho

War dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dhaawacay Dhaqaatiir ajaanib ah oo gelinkii dambe ee Maanta  loogu xiray qarax gaari  ay wateen Dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Muqdisho City Hospital ee Magalada Muqdisho.

Mid ka mid ah howl-wadeena Isbitaalka ayaa Dalsan u sheegay in qaraxaas oo ahaa mid gaariga loogu dhejiyay dhaqaatiirta uu ku dhaawacmat hal dhaqtar,hayeeshee wararka qaar ay sheegayaan in laba ka mid ah dhaqaatiirta  Siiriyaanka iyo mid Soomaali ah ay dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa laga cabsi qabaa in loogu xiray baabuurka xilli ay kubbad ku ciyaarayeen meel u dhow shaqadooda oo ah cisbitalaka Mogadishu City.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas,hayeeshee waxa uu ka mid yahay qaraxyada dhejiska ah ee inta badan ka dhaco Magalada Muqdisho

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor