Faah faahin: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa mid gaari ayaa Maanta waxa uu  ka dhacay meel u dhow Isgoyska Al-Baraka ee degmada Hodan,waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari ay la socdeen Ciidamo  ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Gaariga qarxay oo nooceesu ahaa kaarib ayaa waxaa la sheegay in ay wateen laba  askari oo ka tirsan Ciidanka dowlada,isla markaana ay durba goobta ku geeriyoodeen.

Macada in qaraxa gaariga loogu xiray iyo in goobta uu ku aasnaa,balse dadka Xaafada Al-Baraka ayaa waxa ay ku waramayaan in dad Shacab ah ay sidoo kale ku waxyeeloobeen qaraxaas.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee ku aadan Qaraxan maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay.waxana uu ku soo aadayaa xilli Wadooyinka qaar ee Muqdisho ay Maanta xiran yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor