Faah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Khasaaro geystay oo saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka aaso ah,isla markaana waxaa uu haleelay Gaari Qooqan ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsa kuwa Milatariga dowladda Soomaaliya,xili ay marayeen Nawaaxiga Carwadii hore Taleex.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Khasaaraha ka dhashay,waxaana la xaqiijiyay in darawalkii waday gaariga uu ku geeriyooday qaraxaas,sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Askari saarnaa Gaariga.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca qaraxyo lagu soo xiro gaadiidka raaxada ama kuwa ay wataan Ciidamada dowladda,waxaana ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media