Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo xalay fiidkii ka dhacay duleedka Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose,kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.
Qaraxaasi ayaa waxaa uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah,kuwaasi oo kusii jeeday gudaha Dhoobley.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxaas uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa gaariga uu qaraxa haleelay.
Ugu yaraan Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxaas ,isla markaana ay ku dhaawacmeen kale qof,kuwaasi oo dhamaantood ahaa rag gaariga la socday.
Dhaawaca ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka guud ee Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose,halkaasi oo haatan lagu daaweynayo xaaladooda Caafimaad.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas Miinada ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay duleedka Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose.