Faah Faahin:-Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin ayaa ka soo baxeysa qarax Gaari loo adeegsaday oo Caawa ka dhacay Wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeeysa Hotel Maka Al-Mukarama iyo Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK  oo ku taalla Wadada Maka Al Mukarama,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ka badbaaday qaraxa oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in goobta uu qaraxa Caawa ka dhacay ay aheyd meel aad u mashquul badan oo ay ku sugnaayeen dad farabadan.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxa u daad gureynaya Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi  isku gadaamay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

 

La soco wixii ku soo kordha Wararkan Insha Allaah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media