Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Caawa ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Nawaaxiga Suuqa Buulo-xuubey ee degmada Wadajir sida ay goobjoogaal sheegeen.
Qaraxa kadib ayaa sida caadada aheyd waxaa gaaray halkaas Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiray Aaga uu qaraxu ka dhacay,isla markaana sameeyay baaritaano kooban,iyadoo intaasi uu hakad ku jiray isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha,hayeeshee markii dambe uu dib usoo laabtay.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu ahaa Nin Ganacsade ah,waxaana la tilmaamay inuu ka badbaaday.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ay hadlayaan qaraxaas Caawa ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.