Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay waxa ay gudaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banadir ku dileen Nabadoon Caan ahaa.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in rag hubeysan oo dhalinyaro ahaa ay toogteen Nabadoonka,sidoo kalena kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cali Xoodey,isla markaana xiliga la dilayay uu ku sugnaa agagaarka Saldhiga Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Cali Xoodey ayaa waxaa uu kamid aha Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle,waxaana goobta uu falka ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaasi,waxaana goobta ay ka qaadeen Meydka Marxuumka,waxaana sidoo kalena halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano kooban oo ay ku raadinayan kooxihii ka dambeeyay dilka.
Habeen hore ayay aheyd markii gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay mid kamid aha Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana dilkaas sheegtay Al-shabaab.