Faah faahin:-Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dhex dilay goobtiisa Ganacsi

Cabdi Cali Maalin oo 29-sano jir ahaa ayaa saacad kahor lagu toogtay dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Khayelitsha (Site B) oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay Muuse Cali Mohamed Malin oo ay walaalo yihiin Marxuumka la dilay.

Dilka, ayaa dhacay kadib markii koox hubaysan ay gudaha u galeen, ayna Ganacsade Cabdi ku fureen rasaas xoog leh oo sababtay geeridiisa, waxaana ay dhaceen dukaanka, kadibna waa ay baxsadeen kahor intaysan Boolisku tegin goobta.

Warar laga helayo Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka lagu dilay Marxuum Cabdi Cali uu la xiriiro isku dhac iyo khilaaf xooggan uu u dhexeeyay Tuugada Xaafadda Khayelitsha (Site B).

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay baarayaan falkan lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed, in kastoo baaritaanada Booliska ay natiijo la’aan ku dhamaadaan intooda badan, waxaana sanadkaan 2021 dalkaas lagu dilay Muwaadiniin badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor