Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ku dilay Guddoomiye kuxigeenkii deegaanka Gamboole.
Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha Jowhar,isla markaana waxaa Guddoomiye kuxigeenka u geystay rag hubeysnaa Bastoolado,xili uu ku sugnaa halkaasi,isagoona u geeriyooday dhowr rasaas oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdirashiid Xaaji Maxamed,kaasi oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday,waxaana halkasi markii dambe soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle oo goobta ka qaaday Meydka Mas’uulkii la toogtay.
Intaasi kadib ayay Ciidamada Hirshabeelle waxaa xalay Jowhar gaar ahaan Xaafadda uu falka ka dhacay ka sameeyeen howlgalo lagu baadi gaabayo ragii fuliyay falkaasi,isla markaana waxaa Ciidanka ay ku qabteen howlgalkaas tirro dhalinyaro ah oo looga shakiyay dilkii ka dhacay Jowhar.
Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Hirshabeelle ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.