Faah faahin ka soo baxeysa qarax Caawa Salaadii Maqrib ka dhacay Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Puntland kaas oo laga maqlay dhawaqiisa Guud ahaan Gaalkacyo.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Mudane Farxaan Cabdi Gaafa balse uu ka badbaaday maadaama uusan saarneyn.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in uusan jirin khasaaro kale uu geestay qaraxa marka laga reebo burburka Gaariga sida ay Dalsan la wadaageen qaar ka mid ah Bulshada Magaalada Gaalkacyo.
Xaalada Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid degan marka laga reebo xoogaa isku-socodka dadka iyo Gaadiidka oo hakad galay.