Faah faahin:-Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas saakay ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeysa laba Maleeshiyo beeleed.

Xiisadan ayaa timid kadib markii xalay gudaha Wanla-weyn lagu dilay Macalin Dugsi Qor’aan, kaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka, isla markaana halkaas ku lahaa Dugsi.

Rag hubeysan oo Maleeshiyaadka ayaa toogtay Macalinka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cismaan Cirbad, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dilka Macalinka uu la xiriiro Aano qabiil, iyadoona saakay lasoo sheegayo in xiisad ay ka taagan tahay gudaha Degmada Wanla-weyn ee Shabeellaha Hoose.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Wanla-weyn oo ay uga hadlayaan xiisada iyo dilkii xalay ka dhacay halkaas, kaasi oo salka ku haayo aanooyin qabiil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media