Faah afahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay Magalada Muqdisho loogu geystay askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,iyada oo goobta ay ka baxsadeen dadkii ka dambeeyey dilka Askartaas.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay bar-koontorool oo ku taalla degmada Wadaji,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay laba askari toogteen kadibna ay baxsadeen.
Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo sameeyey baritano wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka laabda Askari,waxana warar ay ku qoreen bogga ay Internet-ka ku leeyihiin ku sheegeen in ay iyagu ka dambeeyeen dilkaas.
Maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin dilkaas,waxana muqdisho mar walba ka dhaca dilalka loo geysto ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya.