Faah faahin:-Kooxo hubeysan oo Dil ka geystay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya ku dilay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Dilkan loo geystay Askariga ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,waxaana falka uu dhacay xili uu Askariga ku sugnaa halkaas.

Ragii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana durbo goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaa u fogen,iyagoo halkaas ka qaday Meydka Marxuumka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo ay geystaan ragga hubeysan Bastooladaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media