Faah faahin khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari ayaa ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho halkaas oo u ku yaallo Koontorool muhiim ah oo lagu baaro gaadiidka gala Madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay weybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac in kasta oo aysn jirin ilaa iyo haatan cid xaqiijin kata khasaaraha rasmiga ah.

Weriyaasha oo goobta tegay ayaa soo werinaya in gaadiidka gurmadka degdega aya daabulayaan dhaawacyo badan,iayada oo khasaara ugu badan uu soo gaaray sida wararku ay sheegayaan dad shacab ah oo goobta marayay.

Dhinaca kalana waxaa gubanaya oo iyana la daminayaa gaadiid badan oo ku gubanaya goobta qaraxu uu ka dhacay oo ah Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho,gaadiidka gubanaya ilaa iyo hada lama oga cidda iska leh iyo sida ay wax u gareen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media