Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay weerar lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.
Dad ku sugan Baydhabo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Bar Koontarool oo Ciidanka Koonfur galbeed ku leeyihiin halka loo yaqaano Makuuda ee Baydhabo, kadibna la maqlay rasaas dhacday.
Raggii hubeysnaa ayaa baxsaday, isla markaana waxaa Ciidanka amniga Maamulka ay sameeyeen howlgal amniga lagu xaqiijinayo, iyadoona la soo weriyay in lagu qabtay dad looga shakiyay falal amni darro.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, sidoo kalena weearka kama aysan hadlin laamaha amniga Maamulka Koonfur galbeed.
Dhawaan ayay aheyd markii laamaha amniga Maamulka ay sheegeen inay fashiyeen qarax lagu dhex qariyay Mooto Bajaaj oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool Magaalada Baydhabo.