HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Magaalada Baladweyne

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa waxaa xalay lagu tuuray Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle ku leeyihiin Xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka lagu qaaday Barta koontarool ay fuliyeen rag hubeysan oo durbo falka kadib goobta ka baxsaday, iyadoona […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa waxaa xalay lagu tuuray Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle ku leeyihiin Xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka lagu qaaday Barta koontarool ay fuliyeen rag hubeysan oo durbo falka kadib goobta ka baxsaday, iyadoona dadka xaafadda Buunda-weyn ay maqleen rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamada.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa waxyeelo kasoo gaaray weerarka Bambaano ee lagu qaaday Ciidanka fariisinka joogay, mana jiro khasaaro kale oo laga soo weriyay weerarkii ka dhacay Baladweyne.

Laamaha amniga Maamulka Hiiraan ayaan weli faah faahin ka bixin weerarka ka dhacay xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidanka amniga ay sameeyeen howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay falkaas.

Si kastaba Baladweyne ayaa kamid ah Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey Magaaladaas uga dhacay falal amniga lid ku ah oo geysteen Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts