Faah faahin kasoo baxeysa Weerar Caawa ka dhacay Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaas oo geystay khasaaro.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso,isla markaana waxaa lagula eegtay Bartamaha Magaalada.

Ugu yaraan 4 Askari ayaa dhaawacmay qaraxaas,waxaaana dadka deegaanka ay sheegeen in qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay Xaafadaha Magaalada oo dhan.

Sido kale waxaa la sheegay in qaraxa markii uu ka dhacay kadib la maqlay rasaas culus oo ay rideen Ciidanka,iyadoo xiray aaga uu qaraxa ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee Caawa aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka amniga Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media