Faah faahin kasoo baxeysa Qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye

Faah faahino hordhac ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan ayaa Jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu sigaar ah uga dhacay Bar Koontarool oo Canshuuraha lagu qaado oo ku taalla Isgoyska Ex- Koontarool .

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxaas uu geystay Khasaaro isugu jira  dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan shacab oo xiligaas goobta ku sugnaa.

Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga arkayay uuro Madow oo cirka isku shareertay, waxaana halkaas ku gubanayay gaadiid goobta yaallay xiligaas.

Warar ayaa intaas ku daraya in dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxaas ay ku jiraan Arday, waxaana goobta ka socda gurmad xoog leh loo sameenayo dadkii halkaas ku waxyeeloobay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media