Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay xeebta deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku leeyihiin halkaas Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.
Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee ilaaliya xeebta deegaanka Jasiira ayaa ku geeriyooday qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana ka hadlay qaraxaas Maamulka Jasiira.
Guddoomiyaha deegaanka Jasiira Xuseen Jilacow Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidanka amniga deegaanka, uuna ku dhintay hal Askari, isla markaana uusan jirin khasaaro kale.
Qaraxa dhacay ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-shabaab, waxaana Guddoomiye Xuseen Jilacow uu sheegay in howlgal ay sameeyeen lagu qabtay laba qof oo looga shakiyay ku lug lahaashaha falkaas, ayna ku socdaan baaritaano.
Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgal lagu xaqiijinayo amniga deegaanka ay halkaas ka wadaan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.
Si kastaba deegaanka Jasiira ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah iyo dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowladda iyo maleeshiyo hubeysan oo dadka dhac u geysan jiray.