Faah faahin kasoo baxeysa Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Gelinkii dambe ee shalay kooxo hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dishay Nabaddoon caan ka ahaa gudaha degmadaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xaayoow Xalane, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhallinyaro ah oo hubeysan ay dileen Nabaddoon Xuseen Xaayoow, xilli uu ku sugnaa garaash ku yaalla degmada Yaaqshiid, isla markaana uu ku sameysanayey gaari uu lahaa, sida la tilmaamay.

Dadkii ka dambeeyay dilkaas khaarijinta ahaa ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, waxaana sidada caadada aheyd tegay halka uu falka ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo Meydka u qaaday dhanka Xarunta dembi baarista ee CID-da.

Wel lama oga sababta loo dilay Nabadoon Xuseen Xaayoow Xalane, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu kamid ahaa Odayaasha hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dadka deegaanka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan rag hubeysan, iyadoo horey dadka kunool Caasimadda ay cabasho ka ahaayeen kooxo burcad ah oo dadka dhaca kadibna dil u geysta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor