Faah faahin kasoo baxeysa Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Magaalada Baladweyne

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa xalay gudaha magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Macalin kamid ahaa Macalimiinta Dugsiyada Quraanka lagu barto ee magaaladaas ku yaalla, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino.

Dilka loo geystay Macalinka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Xaawa-taako ee magaalada Baladweyne, waxaana macalinka magaciisa lagu soo gaabiyay Macalin Mowliid, isagoo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, kuwaasoo howlgallo baaritaano ah sameeyey, inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raggii dilka geystay.

Weli lama oga cida ka dambeysa dilka magaalada Baladweyne loogu geystay Macalinka, waxaana dilkiisa uu kamid noqonayaa dilal qorsheysan oo horey magaaaladaas uga geysteen rag hubeysan oo watay Bastoolado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor