Faah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Degmada Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ka howlgala degmadaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Siidow Garre.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga Booliska ahaa lagu toogtay, xili uu ku sugnaa wadada macmacaanka ee degmada Afgooye, isla markaana uu u dhintay rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, waxaana goobta ka baxsaday dadkii geystay dilka.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheyd tagay goobta uu falku ka dhacay, kana qaaday Meydka, sidoo kalena waxaa la sheegay inay sameeyeen baaritaano kooban, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas khaarijinta ahaa ee dhacay.

Maalmo kahor ayey markii gudaha degmada Afgooye gaar ahaan xaafadda Xaawo-taako ay kooxo hubeysan dil ugu geysteen kormeerihii Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilal qorsheysan oo loo geystay Askar, Odayaal dhaqameedyo iyo xubno maamul ahaa ayaa dhowr jeer oo horey ka dhacay xaafaddo ka tirsan degmada Afgooye, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor