Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay gudaha Magaaladaas lagu dilay Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo Bastoolad watay.

Dilka ayaa waxaa fiidnimadii xalay uu si gaar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar, waxaana halkaas ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas khaajirinta ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada kuna sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu falka ka dhacay ayaa gaaray goobta kana qaaday Meydka Ninka la dilay, isla markaana waxaa Meydka durbadii la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada.

Lama oga sababta loo dilay Ninka oo la tilmaamay inuu kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada Jowhar, hayeeshee falkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa falal amni darro oo horey uga dhacay Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa dilal qorsheysan horey uga heystay Jowhar, sidoo kalena ay ka dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah oo lagu weeraray hoteelo iyo Xarumo kale oo ku yaalla Magaaladaas, waxaana mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor