Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaaada Laascaanood

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidkii xalay gudaha magaaladaas kooxo hubeysan oo aan heyntood la garan ay ku dileen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Malaay, waxaana la tilmaamay inuu u dhintay rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, xilli uu ku sugnaa  xaafad ka tirsan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Qaar kamid ah ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Cabdiraxmaan Cali, iyadoona goobta ay ka carareen kooxihii ka dambeeyay falkaas.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay falalka amni darro, sida weerarrada iyo dilalka qorsheysan oo geysanayaan kooxo hubeysan, Maamulka Somaliland ayaana ka hadin falalkaas dhacaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor